Aroos cajiib ah oo ka dhacay Magaalada Mandhera & shacabka oo si weyn u hadal haya+ Sawirro

0
704

Magaalada Mandera ee gobolka woqooyi bari Kenya ayaa waxaa ka dhacay aroos yaab leh oo loo dhigay Cabdullahi Ibraahim Robow (Cabdullahi Wayway), oo 80 sano jir ah, iyo xaaskiisa cusub Khadiijo Axmed oo iyana nlixdan 60 sano jir ah.

Arooska ayaa si wayn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo magaalada Mandera.

Cabdullahi Waayway ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay arooska, wuxuuna tilmaamay in haweeneyda 60 jirka ah ay u wanaagsan tahay uuna ku nasanayo.

Cabdullahi ayaa horey u soo guursaday afar xaas, wuxuuna dhalay 12 caruur ah.

Xaaskan cusub waa bahda seddaxaad ee hadda uu qabo, wuxuuna horey u furay labo xaas, waxaana arooskan laga hadal hayaa shacabka ku nool Mandera oo la yaaban da’da ay isku guursadeen lamaanahan.