Anigoo aan ka xumayn muxuu ku mutaystay casuumada madaxweynihii hore daahir riyaale kaahin. By-maxamed jeex

0
718

Madaxweynihii  hore dahir riyaale kaahin oo ahaa mudadii ugu dheerayd soo xukumaayay dalka somaliland muxuu ku mutaystay hadhimo sharafeed in loo sameeyo? Mayaanu ahayn wakhtigiisii markii lagu gawracay ragii qaaliga ahaa ee ka soo keeday beelaha samaroon inuu ka aamusay xitaa kamuu hadal,ragii dilka foosha xunleh gaystay waxaana la cadeeyay inay joogeen madaxtooyadiisa dhaxdeeda sida wararku sheegayeen arintaana farbaa ku gudan mdw hore ee dahir riyaale.

Mdw hore dahir riyaale kaahin wakhtigiisii wuxuu dhibaato u gaystay iyo dhaawac aad u weyn goboladii uu ka soo jeeday,awdal,salal iyo gabiley wuxuu si xaqdaro ah u bixiyay dhulkii ay lahaayeen beelaha samaroon oo uu soo dejiyay dad aan u dhalin goboladaas oo ilaa maanta dhibaato ku haya dadka iskaleh dhulka.

Riyaale wuxuu bixiyay ku raastii ay lahaayeen beelaha samaroon wuxuuna siiyay beelo kaleh oo uu kaga rabay magac iyo maal inuu kahelo wuxuuna baabiiyay xaqii umada uu ka soo jeedo,wuxuuna wax yeelay hankii umada samaroon.

Muxuu u joogay riyaale meesha wuxuu u joogay inuu dadkiisa dhibaateeyo,inuu wax yeeleeyo reerkiisa.

Gobolada galbeedku ma ka soo kabsadeen dhibaatadii uu u gaystay daahir riyaale haa wey ka soo kabteen weliba si aad u wanaagsan ayay uga raysteen oo goboladoodii waxaa ka muuqda horumar aad u balaadhan oo dhinac welba taabanaaya.

Sidaas awgeed maadaamuu waxaasoo dhibaata ah gaystay kuma isdaahilo in loo sameeyo hadhimo sharafeed sidaas u weyn.