Amina Weris Somaliland siday doonto ayay ka yeeshay by Abdi Mustafe

0
845

Marwada madaxweynaha Somaliland Amina Weris ayaa ka hor-seeda hantida qaranka ee lawada xaraashay. Waxa uugu danbeeyey Women’s Club kii oo badh iyadu ay goosatay badhna ina aw Siciid ay ka iibisay. Waxa iyagana shalay la wareejiyey haamihii Berbera waxa ka horeeyey hanti badan oo aqalo iyo dhul iyo iskaraab ba le. Qisada uugu foosha xun ee ay Amina Weris samaysaa waxa weeye Silaanyo inay laba jeer iska hor taagtay qaliin lagu samayn lahaa oo midna caloosha yahay midna madaxa. intaaba waxa ka horeeyey walaal keed Cali Jirde oo taajir ahaa iyadanna soo koriyey oo markuu gaboobay ay maxkamada Hargiesa soo joojisay oo ay ku dacwiday in uu kharfay si xoolihiisa iyada loogu wareejiyo oo xaqiiq ah oo sidaa u dhacday. Waxa shicibku is weydiinayaa waa maxay gaajadan iyo jagaagan Amina Weris ka hadhi waayay iyo damiir xumidani. Amina waxay hadal hayn u leeday inay tidhaa Somalidu waa sida soodhaha oo sadex cisho oo qudha ayay qeyl-qeylinayaan dabeed wey iska aamusayaa. Wadankii iyo xukunkiiba wey kharibtay oo jaha wareer bay ku riday. Waxaan Silaanyo eeda loo saarayn waa lawada daawaday shalay markuu madaarka Hargiesa ka soo degay in sua’alaha lagala baxsaday oo uu sadex daqiiqadood oo qudha oo uu hingaadinayay weliba warqad ka akhriyey. Amina Weris waa ruux aad u damiir xun oo dad nimo xun oo dumar nimo xun oo wadan dhan dhibaato la dhex joogta. Hase ku bushaaraysato maalin aan dheerayn inay farta dhexda ka qaniini. Talow yaa u sheega. Waxaan xasuustaa nin Amina la dhashay Alla yarxamu oo markii danbane macalin noqday ayaa waxa lagu naanaysi jiray Maxamoud Khaansiir. Sababta loogu bixiyey waxay ahayd markuu ciyaalka la ciyaarayo hadii nabar walba lagu dhufto muu damqan jirin dabeed sidaa darteed baa loogu bixiyey khansiir. Hadaba Amina na wax wal oo warbaahinta loo mariyo ama suuqyada laga sheega ama horteeda laga yidhaa ma damqaan oo waxaad moodaa in aanay damiirkii dadka qandhiidhin jiray aanay lahayn. Gumaysiga ayaa dal wal uu ka tegayba wuxuu bedelay xuduudaha dabeed boqol laal sanadood ka dib ayaa weli dalalka jaarka ihi isku heystaan Sidii oo kale ayay wadaa Amina Weris oo waxan ay haamo iyo hawlo kale ku jirto hadhow saamayn teeda ayay yeelanayaan. Weyse la luuf-luufi dulmiga ay ummada gaadhsiisay.

Abmustafe123@gmail.com

Abdi Mustafe