Amar yaab leh oo lagu soo rogay lamaanayaasha is furay ee ku nool wadanka Jejniya

0
756

Madaxweynaha kaligii taliska ah ee dalka Jejniya Ramzan Kadyrov ayaa soo saaray amar yaab leh oo lamaanayaasha is furey ee dalkaas ku qasbaya inay isku laabtaan, isagoo culimada Islaamka ku riixaya in arrintaasi ay fatwooyin ka soo saaraan.

Guddi uu arrintan u saaray Ramzan ayaa sheegay in ay ilaa hadda ay ku guuleysteen in ay dib isugu celiyaan 948 lammaane muddo lix toddobaad ah gudahood.

Balse dumarka qaarkood ee garoobada ah ayaa ka cabanaya in la saaray culeys weyn oo xaq darro ah inay ku laabtaan raggii ay hore u kala tageen, iyadoo mid ka mid ah dumarkaasi ay sheegtey in xitaa lagu waxyeelleeyey in ay ninkeeda ku laabato.

Rasul Uspanov oo ah xoghayaha guud ee wakaaladda dib u unkidda qoysaska iyo xiriirka lammaanayaasha ee Jejniya ayaa sheegay in ay jiraan carruur waalidkood kala tagay oo aabbahood la nool, iyada oo uu aabbaha xaas kale guursaday.

“Markii guddigeenna uu shaqo bilaabay, waxaa u soo laabatay xaaskiisii koowaad, haddana wuxuu qabaa labo xaas, sababtoo ah sharciga Islaamka wuxuu dhigayaa in ninka uu guursan karo ilaa afar xaas” ayuu intaasi raaciyay Rasul.

Balse haweeney lagu magacaabo Bariyat ayaa sheegtay in ninkeeda ay is fureen 12 sano ka hor, haddii guddiga ay ka dalbadaan inay dib ugu laabtaan ay iska diidi doonto, waxayna isweydiisay dad horeyba u wada noolaan waayey oo iskood u kala tegay la isugu qasbayo.

“Haddii aad diiddid, waxay ka dhigantahay in aad isaga si toos ah uga hor timid, waxaana iska cad marka dhinac kasta lagaga yimaado in aad aqbalayso” ayay tiri haweeney kale.

Hoggaamiyaha Jejniya Ramzan Kadyrov ayaa sheegey in carruurta waalidkooda ay kala tageen ay u badan tahay inay duufsadaan kooxaha argagixisada.

Ramzan daacad u ah Madaxweynaha Ruushka Vladamir Puntin, wuxuuna cagta mariyey wax alaale wixii mucaarad ahaa ee Jejniya ku sugnaa oo ay xitaa ka midyihiin kooxo falaago ah oo hubeysan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here