ALLE HA UNAXARIISTEE SHEEKH CAAN KA AHAA GOBOLKA GABILEY AHAANA MAAMULIHII SHIRKADA TELESOM EE GABILEY OO SAAKA KU GEERIYOODAY GURIGIISA

0
685

Alle ha unaxariistee Sh.Maxamed Muumin Aadan oo ka mid ahaa Culimada Waawayn ee Gobolka Gabiley isla markaana Ahaa Maamulka Shirkada Telesom Site-ka Gabiley ayaa Saaka ku Geeriyooday Gurigiisa oo ku yaala Magaalada Gabiley.

Sheekh Maxamed waxa uu ka mid ahaa Tiiraarka Culimada Gobolka, Macalimiinta Diinta iyo Taftiiska Quraanka ah ka Dhigi jiray Masaajidada Magaalada, Rabbi Naxariistii Janno haka Waraabiyee waxa uu lahaa Shaqsiyad Wanaagsan oo Haybadleh, Waxaanu idiinku soo Gudbin doonaa Wararkayaga Danbe Taariikh Nololeedka Marxuumka insha allaah.

Dhamaan Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakada Halsan Media Meel kasta oo ay joogaan Waxay tacsi tiraanyo leh u dirayaa, dhamaan ehelkii iyo qaraabadii iyo dhammaan umada reer gabiley oo ay ka Tacsiyaynayaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Sh:Maxamed Muumin Aaden oo saaka subaxii hore ku geeriyooday magaada Gabiley.
Waxa aan ILLAAHAY uga baryayaa in uu ka waraabiyo Jannooyinkiisa wanwanaagsan AAAMIIIIIIIIIN