Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay Saciid Maxamed Faarax |
Xarakada Al Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay nin dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu horey dil ugu geestay qof shacab, Xukunka dilka ah ayaana ka dhacay fagaare kuyaala Gobolka Galgaduud. Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ee gobolka Galgaduud ayaa xukun dil ah ku riday Saciid Max’med Faarax oo lagu helay in uu dil u geestay nin xoolo dhaqato ahaa oo lagu magacaabi jiray Cilmi Max’med Sugulle oo ku sugnaa deegaan hoos taga Degmada Garhareeri. Ehelada Marxuun Cilmi ayaa diiday in ay diyo ka qaataan ehelada ninka dilka geestay waxa ayna ka codsadeen Maxkamada Al Shabaab in loo qisaaso ninka dilka geestay , xukunka dilka qisaasta ah ayaana ugu dambeyn lagu fuliyay Saciid Maxamed. Saraakiil katirsan Al Shabaab oo ka hadlay goobta uu ka dhacayay xukunka dilka ah ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan Deegaanada ay maamulaan in ay ka waantoobaan dilalka macnadarada ah, waxa ayna ugu hanjabeen in la dili doono qofkii qof muslim ah dila. |