Al-shabaab oo Xabsiga Dhigtay shan ka mida Ajaanibta xubnaha ka ahaa.

0
599

Muqdisho(Halsan):-Al-shabaab ayaa la Sheegay inuu soo Saaray Amar Mamnuucaya jeedinta Khudbado ama hadallo Ururka dhexdiisa ka abuuraya iska horimaad ku saabsan ku biiritaanka ururka Daacish ama ISIS.

Qoraal soo baxay Bishaan ayaa la sheegay in Ururku uu ku Adkaystay inuu ka mid ahaado Al-Qaacida, isla markaana meel cad ay ka istaagi doonaan ciddii dariiqaas ka leexata.

Muddo, ayaa Al-Shabaab, waxa ay dhexdeeda isku haysay inay ku biiraan Daacish, sida ay xubnaha kooxda qaarkood ay soo jeediyeen ama ay kasii mid ahaadaan Al-Qacida.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay shalay shan qof oo ajaanib ah ku qabteen magaalada Jamaame, kuwaasi oo ay soo xireen amniyaatka Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here