Al-Shabaab oo Weerar Qasaaro geestay kuna gubeen Saldhig ciidan ku qaaday gudaha Kenya

0
618

Wararka ka imaanaya Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya , ayaa sheegaya in dagalayahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay saakay aroor hore weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen Ciidamada booliiska oo kuyaala Deegaanka Diif ee hoos tagta Degmada Wajeer.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa Weerarkooda ku bartilmaameedsaday saldhig ay Ciidamada booliiska ku lahaayeen Deeganaka Diif, waxa ayna halkaasi ku gubeen Saldhiga booliiska iyagoona qasaaro gaarsiiyay qaar kamid ah ciidamada booliiska.

Inta la xaqiijiyay sadax askari oo katirsan Ciidamada booliiska ayaa la sheegay in weerarkaasi lagu dhaawacay, waxa ayna Al-Shabaab saldhiga ay weerareen ka qaateen Gaari ay lahayaeen Ciidamada booliiska iyo hub uu ku jiro qorayga Hoobiyaha loo yaqaan.

Ciidamada booliiska iyo kuwa Milatariga Kenya ayaa howlgalo kawada xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan dhinaca deegaanka Diif uu saakay weerarku ka dhacay, waxa ayna ciidamadan baadi goobayeen dagaalyahandii weerarka kusoo qaaday iyo gaarigii ay ka qaateen saldhiga booliiska.