Al Shabaab oo soo bandhigtay Magaca iyo Qabiilka Ninkii Labaad ee fuliyay Weerarkii lagu qaaday Hotel Peace

0
622
Al Shabaab oo soo bandhigtay Magaca iyo Qabiilka Ninkii Labaad ee fuliyay Weerarkii lagu qaaday Hotel Peace

 

Kooxda Al Shabaab ayaa baahisay Wareysi gaar ah oo laga qaaday ninkii labaad ee fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee labo maalin kahor ka dhacay agagaarka Xarunta Xalane gaar ahaan Hotelka Peace ee magaalada Muqdisho .

Al Shabaab ayaa sheegtay in Idiris Maxamed Nuur oo loo yaqaan Khaalid uu ahaa ninkii labaad ee fuliyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay meel ku dhaw Hotelka Peace, waxaana weerarkaasi ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan waxaa loo adeegsaday labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, gaadiidkan ayaa mid kamid ah lagu qarxiyay bar koontarool oo kuyaala agagaarka Isgooska Danwadaagaha halka Weerarka labaadna uu ka dhacay albaabka xarunta Xalane gaar ahaan meel ku dhaw hotelka Peace.

Al Shabaab ayaa sheegtay in Idiris Maxamed Nuur oo da’diisa lagu qiyaasay 20-sano jir uu waday mid kamid ah gaadiidkii weerarka fuliyay, waxa uuna ninkan dhalinyarada h Al Shabaab kasoo tirsanaa mudo sanooyin ah.

Idiris ayaa kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle gaar ahaan Qabiilka Hadamo, waxa uuna ninkan qaraxa fuliyay ku dhashay Deegaanka Rabdhuuro, ninkan Dhalinyarada ah ayaa Al Shabaab waxa ay kawada tirsanaayeen Aabhiis oo isna ku dhintay dagaal uu ka qeyb qaatay.

Waxa uu sheegay Ninkan Weerarka fuliyya in uu ku faraxsan yahay ficilka uu sameenayo, waxa uuna kula dar daarmay dagaalyahanada kale ee Al Shabaab in ay sii wadaan dagaalada ka dhanka ah Dowlaada iyo AMISOM.

Al Shababa ayaa sidoo kale shalay soo bandhigtay magaca ninka kale ee fuliyay weerarkii ka dhacay Agagaarka Hotelka Peace waxaana ninkaasi isna magaciisa lagu sheegay Maxamed Abuukar Calasow oo u dhashay Beesha Abgaal, Daa’uud.