Sargaal katirsan Xarakada Al-Shabaab oo la hadlay Warbaahinta afka kooxdaasi ku hadasha ayaa sheegay in maanta dagaal culus oo saacado badan socday ay la galeen ciidamo uu sheegay in ay yihiin Mareykan, . Waxa uu sheegay Sargaalkan in Ciidamada Mareykanka ee weerarka kusoo qaaday Deegaanka Sabiib ee duleedka Degmada Afgooye ay wateen Gaadiid gaashaaman oo kuwa dagaalka ah iyo Diyaarado nuuca qumaatiga u kaca ah. Diyaarado dagaal ayaa la sheegay in duqeymo culus ay ku garaaceen saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Sabiib iyo deegaano kale ku dhaw dhaw, waxaa sidoo kale dagaalka intii uu socday la maqlayay dhawaqa hub aad u culus. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Ciidamada Mareykanka ee weerarka kusoo qaaday iyo ciidamo kale oo isugu jiray Soomaali iyo AMISOM ay iska difaaceen ayna kala hortageen dagaal socday ku dhawaad shan saacadood. Dadka deegaanka oo qaarkood Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka saakay ka dhacay Deeganada Sabiib iyo Caanoole ay ka qeyb qaadanayeen ciidamo ajaaniib ah sidoo kale arkayeen diyaarado korkooda duulaya duqeyna geesanaya. Wali lama oga weerarkii lagu qaaday Deegaano kuyaala duleedka Afgooye ay ka qeyb qaateen Ciidamo Mareykan ah , mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Mareykanka oo cidankooda la sheegay in weerarkii saakay ay ku lug lahaayeen. |