Al Shabaab oo markii ugu horeesay ka hadashay Doorashadii Farmaajo Digniina u dirtay Shacabka

0
721

Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horeesay ka hadashay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

Guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub oo sidoo kale kamid ah saraakiisha sar sare ee Al Shabaab ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee Farmaajo uusan waxba kaga duwaneyn kuwii ka horeeyay balse uuba ka daran yahay.

Sheekh Xasan Ycaquub aya auga digay Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan kuna kadsoomaan Madaxweynaha cusub, waxa uuna ku hanjabay in ay la dagaalami doonaan Farmaajo afarta sano uu xilka hayo.

”Waxaan rabaa in shacabka Soomaaliyeed uga digno la shaqeynta Farmaajo, ninkan cusub kama duwana kuwii ka horeeyay balse wuuba kasii shar badan yahay, ninkan tabeelihiisa waxaa ku qornaa waxaana ka shaqeenaya danta ,dadka iyo dalka , diina shaqo kuma lahan ” Ayuu yiri Sh. Yacquub .

Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Galgaduud ayaa mar uu soo hadal qaaday banaan baxyadii shacabka kusoo dhaweeyeen Farmaajo ayuu sheegay in banaan baxyadaasi soo abaabuleen sida uu tilmaamay NGO lacago lagu siiyay buun buuninta Farmaajo.

Al Shabaab ayaa sheegtay in Dowlada cusub uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ula dagaalami doonaan sidii ay ula dagaaleen dowladaihii ka horeeyay ee hogaaminayeen Madaxdii ka horeysay Madaxweynaha cusub.