Al Shabaab oo Dishay Sargaal sare oo iyaga katirsanaa oo lagu eedeeyay in uu la hadlay Farmaajo

0
625

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al Shabaab halkaasi ku dileen C/laahi Cali Shire (Baxar) oo la sheegay in uu kamid ahaa masuuliyiinta Al Shabaab ee gobolka Gedo .

Saraakiil katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in uu khilaaf soo kala dhax galay Ninkan la dilay , waxa ayna ku eedeeyeen Saraakiisha Al Shabaab in uu kala qeybinayo xariirna la sameeyay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dadka ku dhaqan deegaanka Ceel Cadde ayaa Warbaahinta si hoose ugu sheegay in C/Laahi Baxar Ciidamo ku heyb ah uu watay hub ka dhigis lagu sameeyya kadibna isaga la dilay, waxaana Sargaalkan horey u ahaa Gudoomiyihii Degmada Baardheere u qaabilsanaa Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sargaalkan ku eedeesay in uu la hadlay xariirna la sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo ku heyb ah, waxaana sargaalkan la sheegay in dagaalyahano taabacsan ku qal qaalinayay in dowlada ku biiraan kana faa’iideestaan cafiska loo fidiyay.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Masuuliyiintya sar sare ee Al Shabaab oo ku aadan dilka loo geestay masuulkan horey uga tirsanaa, dowlada Soomaaliya ayaan sidoo kale ka hadlin sargaalkan lagu eedeeyay in uu xariir lasoo sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here