Ajaaniib badan oo kamid noqotay dadkii lagu laayay Istanbuul iyo khasaaraha oo sii kordhay + Sawirada

0
630

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii xooganaa ee xalay saqdii dhaxe nin hubeesan uu ku qaaday goob lagu caweeyo oo kutaala magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Tiradad dadka ku dhintay weerarkaasi ayaa hada gaaray 39-qof ,halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 69-qof, dadka dhaawacyada qaba ayaa qaarkood lasoo warinayaa in ay xaalad halis ah ay ku sugan yihiin.

Dadka ku dhintay weerarkan xalay ka dhacay Istanbuul ayaa la sheegay in 16-kamid ah ay yihiin ajaaniib, waxaana wali jira meydadka dad aan la aqoonsan ay booliisku baarayaan, waxaana suurto gal ah in tirada ajaaniibta ku dhimatay weerarkaasi ay sii kordhaan.

Wasiirka Arimaha gudaha dalka Turkiga ayaa sheegay in nin hubeesan uu weerar ku qaaday goob lagu caweenayay oo kutaala magaalada Istanbuul, waxa uuna intaa raaciyay in baadi goob loogu jiro ninka weerarka geestay oo baxsad ku jira.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo weerarkan ka hadlay ayaa sheegay in dadka ka dambeeyay weerarkan doonayaan in qalalaase galiyaan dalkiisa, waxa uuna wacad ku maray in uusan joojin doonin dagaalka argagaxisada ilaa uu ka cirib tiro.

Ciidamada amaanka ayaa howlgalo balaraan ka wada magaalada Istanbuul, waxa ayna ciidamada baadi goob ugu jiraan ruuxii ka dambeeyay weerarkaasi oo la tuhmayo in uu baxsad ku jiro, mana jiro ilaa wali cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi.