Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Deegaanka Oo Xilkii La Wareegay.

0
714

Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Deegaanka Oo Xilkii La Wareegay.

 

Berbera( Halsan):- Agaasimiha guud ee wasaarada Horumarinta Deeganka Somaliland ayaa maanta xilalkii ukala wareejay isuduhii hore ee wasaarada deegaanka iyo isuduwaha cusub ee loo magacaabay gobolka Saaxil Anwar Xasan Inraahim.

Munaasibad loogu kala wareejinayay xilka labadan masuul oo ka soo qayb galeen marti sharaf kala duwan ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Isuduwihii Hore  ee wasaarada Degaanka Gobolka Saaxil oo  si Laab Furan Usoo dhaweeyay Isyduwaha Cusub  Waxaanu  Ku Wareejiyay Dhaman agabkii wasaaradu Ku Shaqaynaysay, Waxaanu balan qaaday In uu Si wanaagsan Ula shaqayn Doono.

Isuduwaha Cusub Mr Anwar xasan Ibraahim  ayaa isna  Umahdnaqay Isuduwuhii

 

Shaqada Baneeyay   iyo Masuuliyyiinta Gobolka iyo Degmada Berbera Sida wanaagsan ee ay u garab galeen wasaaarada Degaanka, Waxaaanu ka dalbaday Masuuliyiinta Gobolka Saaxil in ay gacan Dheeraaada kasiiyaan Shaqada wasaarada.

Duqa Magaalada berbera oo hadal Dheer ka Jeediyay Xilwareejintan  Ayaa  ka Hadlay xaalada Degaanka  oo wacyi Xun Maraysa sababtoo ah Ayuu Yidhi Dhuxulaysatadii Waxay Sitaan Liisan, ma garnayno Ayuu Yidhi Mid Sharci ah iyo Mid kale , Sidaa Laajigeed Wuxuu Ka Codsaday wasaarada Degaanka masuuliyeenteeda in ay gacan Bira ku Qabtaan Kuwa Degaanka xaalufiniya ee Jaraya Dhirta.

Badhasaabka saaxil Ayaa Dhinaciisa Sheegay In aay Siwayn Ula shaqayn Doonaan   Isuduwaha Cusub oo ah Nin Dhalinyaro ah Mudana ka Shaqaynayay wasaarada Degaanka  Xarunta Hargaysa Waxaanu siwayn U Amaanay badhasaabka saaxil  Isuduwihii Hore oo ku Tilmaamay Mid hawlkar ah.

Ugu Danbayntii Agaasimaha Guud ee wasaarada Degaanka Somaliland Ayaa Ukala wareejiyay Xilkiii Labada isuduwe Isagoo  si Qoto Dheer Uga Haflay faa’iidada Degaanka oo la Ilaaliyaa Leedahay.