Afhayeenkii (Xidhiidhiye) Ahna Xoghayaha warfaafinta & Gudoomiyihii Garabka Dhalinyaradda Degmadda Burco Oo Iska Casiley Xisbigga Ucid

0
769

Burco(Halsan):- Afhayeenkii (Xidhiidhiye) Ahna Xoghayaha warfaafinta Mukhtaar Maxamed Jama X Diiriye (M.Nadaara) & Gudoomiyihii Garabka Dhalinyaradda Degmadda Burco Hamze Diiriye Ahmed ayaa sida ay ku sheegeen qoraal ay goor dhoweyd soo gaadhsiiyeen shebekeddan Oodweynenews Waxay Iska Casileen xilalkii ay ka hayeen iyo xubinnimadii Xisbigga Ucid

Waxana Qoraalkaasi u dhigan yahay sidan hoos ku qoran:-

Ku:Gudoomiyaha Xisbigga Ucid.
Ku:Gudidda Fulinta Xisbigga Ucid.
Ku:Gudida Gobolka Togdher Ucid .
Ujeeddo:Iscasilaaad Xilalkii Aan Xisbigga Ucid Ka Haynay, Annagaa Oo kala Ah Afhayeenka (Xidhiidhiyaha) Ahna Xogahayaha War-Faafinta.iyo Gudoomiyihii Dhalinyaradda Degmadda.
Anagga Oo Kala Aha Mukhtaar Maxamed Jama X Diiriye (M.Nadaara) Ahaana Afhayeenkii (Xidhiidhiye)Ahna Xoghayaha warfaafinta .
Hamze Diiriye Ahmed oo Ah Gudoomiyihii Garabka Dhalinyaradda Degmadda Ee Xisbigga Ucid.
Waxaaanu halkan kusoo bandhigaynaa kuna cadaynaynaa inaaanu si wadda jira aanu manta lagga bilaabo isagga casilnay Xilalkii aanu u haynay xisbigga Ucid gaarahaan Gobolka Togdheer isla markaana aanaan manta lagga bilaabo aanu banaynay Jagaayinkaa aanu Xisbigga ka haynay.
Waxaanu Dhaaman Ogaysiinaynaa Taageerayaashayadda Dal iyo Gudaba inaan manta lagga bilaabo ka mid ahayn Xisbigga Muacaaridkaa ee ucid Ka dib markii aanu ku qanciwaynay Qaabka uu xisbigu u shaqeeyo ,isla maraakana aanu la shaqaynkariwaynay Masuulka Xisbigga Ucid Ee Gobolka Togdheer isla markaana ay gebi ahaanba istaagtay shaqii iyo Hanankii Horusocodka xisbiga Ee Gobolka Togdheer.
Sidaa Daraadeed Waxaanu Isla garanay inaan Xisbigga kasii mid ahaan.
Markaanu aragnay qaabka uu waxa u waddo masuulka xisbiga ee G.Togdheer .
Markaanu aragnay kala daadsanaanta iyo tafaraaruqa xisbiga ucid ee Gobolka togdheer ,iyo Gudoomiyaha Xisbigga ucid Ee Burao oo aan ku dhaqmin Xeerka Qawaaniinta xisbiga.
Sidaad darted waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanu ka Tanaasulnay Xilaalka aanu u haynay xisbigga.
Mukhtaar Maxamed Jama X Diiriye (M.Nadaara).
Afhayeenkii (Xidhiidhiye)Ahna Xoghayaha warfaafinta.
Hamze Diiriye Ahmed:
Gudoomiyihii Garabka Dhalinyaradda Degmadda Ee Xisbigga Ucid.

Alla-Mahadle.

 

Source: Oodweynenews