Afhayeenka Guurtida Oo Ethiopia Ugu Baaqay Hirgalinta Heshiiskii Diridhaba, Digniina U Diray Maamulka Puntland

0
638

Hargeysa(Halsan): – Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ah afhayeenka golaha guurtida Somaliland, ayaa dawladda Ethiopia ugu baaqay inay hirgaliso heshiiskii dhawaan Diridhaba ku dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia, gaar ahaana qaybta ku saabsan inaan cid Somaliland cadow ku ahi joogin Ethiopia, cid Itoobiya cadow ku ahina aanay joogin Somaliland.

 

Waxa uu sidoo kale farriin adag u diray maamulka Puntland oo uu ku eedeeyay dagaal laba beelood ku dhex maray degaanka Qoriley oo Magaalada Laascaanood koonfur bari kaga beegan 70km. waxa uu sheegay in Maleeshiyaad Puntland taageerayso ay dad shacab ah halkaasi ku weerarayaan kolalna ka talaabayaan xuduudka Ethiopia.

 

“Edab Darada Puntland ay ku hayso ee tiknikada ugu adeegsanayso dadka maatida ah ee ay cagta marinayaan,waxaan ugu baaqi lahaa in ay maatida ilaaliyaan,xaska ay dabada galinayaan ee Ethiopia ay iska soo saarto. waxaan fari lahaa Ethiopia in ay dhaqan galiso heshiiskii lagu soo galay jigjiga oo dadkan xaska dabada galinaya ay soo caydhiso. Puntland marna inta ay dadka layso xuduudka jooga marna baxsadaan madhici doonto mar danbe,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

Afhayeenka guurtida ayaa digniin u diray maamulka Puntland “maamulkan Puntland iyaga ayaa maanta liita oo jilicsan, maaha in ay wax maag-maagto maaha iyadana waanu la talinaynaa iyada iyo madaxwaynaheeda,halkaas xasaarada kadaa,miyi ciidan weeraro cidi may arag, ha kalifin ciidanka qaranka somaliland in ay soo galaan Garoowe oo ay ka soo dhex qataan Madaxwayne,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

Guddoomiyaha gobolka Sool, Yaasiin Shide, Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye xigeenka wakiillada iyo wasiir xigeenka caddaaladda, ayaa maalmihii u dambeeyay maamulka Puntland ku eedeynayay inay beel ka mid ah kuwa Qoriley ku dagaalamay ku taageerayaan gaadiid iyo hub dagaal iyo sidoo kale maleeshiyo, taasina sababtay in dad shacab ah oo reer Somaliland ah ay laayeen.

 

Todobaadadii la soo dhaafay oo tiraba laba jeer dagaal ka dhacay degaanka Qorley waxaa la sheegay in ilaa 20 qof ku dhimatay sidoo kalena uu jiro dhaawac dhinacyada dagaalamay ah. Ciidanka Somaliland ayaa horay ugu ruqaansaday degaannada Qoriley iyo Karin si ay uga qayb qaataan dejinta xiisadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here