- Sharci la’aan
Soomaalilaand waxaa u yaalla dastuur ay umaddu dooratay, la guna heshiiyay in uu cid walba ka sarreeyo, qof waliba u hoggaansamo, dadkana simo. Masuul wal oo dalka xil ummadeed ka qabta waxaa la gu dhaariyaa sharcigaa in uu ilaalinayo una hoggaansamayo. Haddaba bal aynnu is wayddiinnee, kooxda QAQ (Qawlaysatada Afduub Qaran) ee dawladdii qafaalatay, weligeed dastuurkaa dan ma ka gashay oo ma u hoggaansantay? Weligeed se godobtaa cidi ma ku la xisaabtantay? Jawaabtu waa banyaal aan in la isu sheego u baahnayn.
Shantii sannadood ee Kulmiye talada hayay mar qudha la ma maqal masuul dawladeed oo maxkamad la gu hor keenay in uu dastuurka jabiyay, waayo dhammaantood baa dastuurka jabiya oo ka dhigtay dacsad ay kabaha ku masaxdaan. Sidaas bay kooxda dalka qafaalatay u gu bannaan tahay magaca QAQ, sababtaas bayna u tahay qawlaysato sharci darro ah.
- Musuqmaasuq la fasaxay oo aan cid ku eedoobaysaa jirin
Musuqmaasuqu waa cudurka kowaad ee dawladnimada soomaalida oo dhan dilay, horrayso iyo dambayso. Waa la og yahay maamulladii Soomaalilaand ee Kulmiye ka horreeyay in ay dhaqan xumadaa aad u galeen. Dad badan oo aan ka mid ahay baa rumaysnaa, welina rumaysan, sababta kowaad ee ay xukuumaddii Udub u dhici lahayd in ay ahayd musuqmaasuqii aan xisaabtanka lahayn. Sidaas oo kale, dad badan oo aan ka mid ahay baa odaygan muddadu ka dhammaatay ee la yidhaahdo Siilaanyo moodayay in uu dhaami doono Rayaale. Sideedaba dawlad xumada iyo niyadjabka badan baa keena rajada beenta ah iyo ismoodsiiska. Intaas uun bay ahayd sababtii dad badani Rayaale u rideen ee Siilaanyo u taageereen; waa qofkii aanay dan gaar ah ama qabyaalad ka ahayn.
Dhaqaalaha Soomaalilaand wuu kobcay sannadahan dambe, waayo haynta dadweynaha ee cashuurta la ga helay baa sidii hore dhaanta, deeqaha dunidu bixisayna aad bay u ga badnaayeen intii hore. Dhaqaalahaas dalka soo galay, sida ay qireen aqoonyahanka iyo khubarada arrinka isha ku haysaa, waxqabadku wax uu noqday laamiyo yaryar oo habeen iyo maalin kamaradda la gu hayo oo la gu faano, iyo dhawr aqal oo Hargeysa wasaarado loo ga dhisay. Dadweynaha miyi iyo magaalo harraadka la daadsan muddada intaa la’eg ceel qudha loo ma qodin. Cisbitaallada abaaday ee bukaanjiifka dirxigu ku galay haba yaraatee waxba loo ma qaban. Barbaarta tahriibta ku halaagmaysa, iyo kumannaanka kale ee quusta waddooyinka la tuban, wax shaqo abuur iyo jihayn ah loo ma samayn. Si kale haddii loo yidhaahdo, kooxda QAQ shaqada u gu weyn ee ay dalka ka haysaa waa urursiga lacagtaa iyo laami yar oo ay marba is ku sawirto.
- Faafinta dhaqan xumada laaluushka
Kooxda QAQ dhaqanka musuqumaasuqa ee ay caadada ka dhigatay, lacagta ay umadda ka xaddo ka sokow, lacago kale oo badan ayay ku bixisaa laaluushidda qaybaha bulshada, si loo gu gumeeyo danaha xaaraanta ah ee ay kooxdu dalka ka wadato. Hantidii yarayd ee umadda saboolka ah wax loo gu qaban lahaa waxaa la gu laaluushaa oday dhaqameedyada, afmiishaarrada, warfidiyeenka, siyaasiyiinta mucaaradka, golayaasha muddo dhaafka ah, iyo cid walba oo la doonayo in ay godobaha qaranka la ga gelayo ka aamusto ama taageerto. Ogow oo shilin walba oo ay kooxda QAQ sharci darro ku siisay cid aan qaranka u gu shaqayn, waa dhagar weyn oo ay ahayd in cidda bixisay iyo cidda qaadatayba la gu maxkamadeeyo oo la eedsiiyo.
Dhaqan xumada laaluushidda bulshada heerkeeda u gu yaabka badani waa in ay xubnaha firfircoon ee kooxda QAQ goor walba warbaahinta horteeda ka sheegtaan in ay lacag kaash ah iyo waxqabadyo kale oo ay iyagu bixinayaan siinayaan cid heblaayo iyo meel heblaayo, lacagtaas oo aan la marsiin hay’adihii maaliyadda iyo qorshaynta ee ay shaqadooda ahayd. Waa maxay masuulkan lacagta bixinaya iyo mashaariicda ku deeqayaa? Maxaa wasiirka iyo madaxweynaha lacagta faraha u geliyay?
Taasi inta ay tahay sharci jabin iyo lunsi hanti ummadeed, waxaa aad u ga daran inta ay tahay wax umadda ka dilaya anshaxa suubban iyo dhaqanka toosan. Waxaa la abuurayaa bulsho aanu qofku wax karaamo ah lahayn oo addoon u yahay xaaraanta dawladeed. Dhaqanka laaluushidda bulshadu wax uu noqon doonaa cudur halis ah oo ay dawayntiisu adkaan toonto maalinta la damco in dawladnimada la wanaajiyo.
- Warbaahinta Qaranka ee u afduuban QAQ
Ummad waliba wax ay lee dahay hay’ad warfidineed oo leh laamaheeda ka la duwan: maqal, muuqaal iyo akhrisba. Hay’addaa waxaa loo qorsheeyaa in la gu baahiyo codka rasmiga ah ee qarankaa, oo umaddaasi dhexdeeda ku wada hahasho dunida kalena ku la hadasho. Danaha u gu waaweyn ee loo adeegsado warbaahinta qaranku waa in la gu wargeliyo, la gu wacyigeliyo, la guna aqoongeliyo bulshada dalka leh. Macnaha waa madal ay dawladdu ku kobciso xogta, wacyiga iyo aqoonta dadkeeda, ka gana haqab tirto wacaalaha jira.
Warbaahinta qaranku waa madasha ay umaddu is ahaanshaheeda iyo danteeda wadareed ka wada eegato. Sidaa darteed gaar u ma aha xisbi, xukuumad, madaxweyne iyo haba yaraatee dan gaar ah iyo qolo gooni ah. Waayo waa hay’ad la gu maalgeliyo hantida umadda ka dhaxaysa. Warbaahinta qaranka waxaa ka reebban in ay u ka la eexato qaybaha bulsheed, siyaasadeed iyo fikradeed ee dadkeeda.
Heerka caddaaladeed, dimuqraadiyadeed, sinnaan iyo guud ahaan dawlad wanaag ee dal lee yahay, astaanta kowaad ee la gu gartaa waa tayada iyo xorriyadda warbaahinta, gaar ahaan warbaahinta qaranka. Bal haddaba akhristow, adiga ayaan kuu dhiibaye, waa sidee warbaahinta dawladda Soomaalilaand maanta? Sow ku ma shaqayso oo qudha siyaasadda iyo danaha kooxda QAQ iyo xisbigeeda Kulmiye? Warfidiyeenka u shaqeeya warbaahinta qaranka Soomaalilaand sow moodi maayo in uu u adeego Siilaanyo iyo kooxdiisa? Wariyahaasi mushaharka ay umaddu siiso sow moodi maayo in uu ka helo Axmed-Siilaanyo? Sow umaddii garaadkeeda la gu korin lahaa la gu ma bahdilo oo la gu ma jahawareeriyo? Meeday dhexdhexaadnimadii iyo masuuliyaddii ay warbaahintaasi qaranka u gu magacwnayd?
Sababahaas oo dhan dartood, umadda reer Soomaalilaand maanta waxaa la gudboon kacdoon siyaasadeed oo ay u gu horrayn ka gaga xoroobayso kooxda QAQ, dabadeed ku dhisanayso dawladnimo u qalanta in ay ummad sharaf iyo karaamo lihi ku hoos dhaqnaato. Yaan loo biqin hanjabaadda kooxda QAQ ee ah cidda na ga hor timaadda waannu laynaynnaa. Yaan dheg loo jalaqsiin sixirka ay kooxdu umadda ku dullaysato ee ah ”NABADDA YAAN LA DHAAWICIN!”.