Waxaa saaka Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo lagu toogtay afar nin oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen dagaalyahanada Al Shabaab kuwaa oo lagu helay dambi ah in fal dil iyo dhaawac isugu jira ka geesteen degmadaasi. Madaxa Amniga degmada Balad xaawo ayaa Warbaahinta u sheegay in Maxkamada xukun dil ah ku riday afar nin uu sheegay in ay katirsanaayeen Al Shabaab, waxa uuna intaa raaciyay in ragaasi qirteen in ay ka dambeeyeen dil loo geestay Nin nabadoon ahaa. Waxa uu sheegay masuulkan katirsan maamulka Degmada Balad Xaawo in raga la toogtay in ay ahaayeen xubno katirsan Al Shabaab gaar ahaan kuwa kooxdaasi u qaabilsanaa madax jabiska ama dilalka qorsheesan sida uu tilmaamay. Xubno lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Al Shabaab laguna helay dambiyo dilal ay geesteen ayaa lagu toogtay magaalooyin dalka kuyaala, waxaana wali xabsiyo ku jira xubno kale oo iyana dilal lagu xukumay kana tirsan Kooxda Al Shabaab. |