AF-SOOMAALIGA CUSUB EE DHALINYARTU ADEEGSATO …. W/Q: CALI CABDI COOMAY.

0
841

Erayada cusub                                                          Macnahooda

  • Korka ka wad………………………………………………………sirta ha sheegin
  • Buul buu dhisay……………………………………………………Naag buu uureeyey
  • Casaan baa saaraan……………………………………………..dayn baa lagu leeyahay
  • Afka dheeraaday…………………………………………………….wuu gaajoonayaa
  • Waa sidii kale…………………………………………………………waxba ma hayo
  • Gor-gor baa saaran……………………………………………………………waa xayraan
  • Indhahaa cas…………………………………………………………wuu xaraaroonayaa
  • Maad I qaadi…………………………………………………………wax maad ii dhiibi
  • Roobaa ku da’ayaa………………………………………………………….wuu fikirayaa
  • Haygaga shuban…………………………………………………………….khiyaaliga iga daa
  • Waa laga habaystay………………………………………………………waa la siyaasadeeyey
  • Waad dhiiqaysaa…………………………………………………………..waad maraysaa
  • Liidkuu raacayaa……………………………………………………………naag buu sugayaa
  • Khuruush buu u baxay……………………………………………………balan buu leeyahay
  • Injection-kaad badsatay……………………………………………….galmada ayaad badisay
  • DNA-da ka qaad…………………………………………………………….waa qabiilkee?
  • Toosh buu daba qaatay…………………………………………………wuu ka daba-qayliyey
  • cirkuugalay………………………………………………………………………wuu dhoofay

.wuu ku qarxiyey……………………………………………………wuu ku caddeeyey

.luuq buu ku jiraa………………………….…………………………………wuu guursaday

  • wuu tigtigan yahay……………………………………………………………….waa tahriib
  • yaasiin kaa dhaafay…………………………………………………………miinaa la qaraxday
  • wuubaxsanyahay……………………………………………………….. sheekada lama socdo
  • ducadii ma timid………………………………………………………….biilkii ma yimid.
  • Nalbuu shitay……………………………………………………………………sirtiisuu sheegay
  • cid kale ayey u rarantahay ……………………………………………qof kalay la sheekaystaa
  • Nabad iyo jacayl ma haysaa……………………………………………xashiishad ma haysaa
  • Muftaaxa qaado……………………………………………………………..waxba ha u sheegin
  • Waa san-gorofle…………………………………………………………………. Waa badow
  • Nakh-nakhuu gaadhay…………………………………………………….wuu mirqaamay
  • U goo……………………………………………………………………halkaa kaga hadh
  • Hoog buu ku jiraa…………………………………………………………….waa bilaa camal
  • Bayl buu daacayaa………………………………………………………………..waa bilaa lacag
  • Qoosh buu garaacayaa………………………………………………………..arrin ma hayo
  • Riyahaa toosiya……………………………………………………………..gurigiibaa laga eryay
  • Tii xaqa ahayd buu maray…………………………………………………..wuu tahriibay
  • naftay dhigeen……………………………………………………………………way tahriibeen
  • badduu galay……………………………………………………………balwad ayuu yeeshay
  • jeebiisaa qoslaya………………………………………………………waa odayl acag haysta
  • gaadhigayga maaha………………………………………………………….kama helo noocan
  • shahaadaa loo dalbay……………………………………………………dhaawac baa gaadhay
  • miisaan ayaa saran………………………………………………………meel baa laga haystaa
  • jilbuhuu aastay…………………………………………………………caruurbuu dhalay, aabo
  • googleweeyi……………………………………………………waxba lagama qarin karo
  • timuhuu daystay………………………………………………………………wuu waashay
  • hawo ayuu soo doontay………………………………………………….Dibada ayuu ka yimid
  • gacantaa dheeraatay…………………………………………………………wuu shaxaad badatay
  • yaa ku lug leh…………………………………………………………………macquul maaha
  • maskaxduu furtay………………………………………………….maandooriyuu soo cabbay
  • cirkuu galay………………………………………………………………………wuu dhoofay
  • shahaadaa loo dalbay……………………………………………………dhaawac baa gaadhay
  • miisaan ayaa saran…………………………………………………………meel baa laga haystaa
  • jilbuhuu aastay……………………………………………………………caruurbuu dhalay, aabo
  • googleweeyi…………………………………………………………….waxba lagama qarin karo
  • timuhuu daystay……………………………………………………………….wuu waashay
  • hawo ayuu soo doontay…………………………………………………Dibada ayuu ka yimid
  • gacantaa dheeraatay………………………………………………………wuu shaxaad badatay

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here