Adhigii Mee ? Wuu Cabayaa Sheeko Iyo Shiish By-Sacad Cali Kaahin

0
632

Nin yara doqona ayaa lagu yidhi orodoo adhiga aroori

kadib Ninkii nacaska ahaa wuu soo kaxeeyay adhigii si uu usoo waraabiyo

markii uu darkii adhigu ka cabaayay keenay ama ceelkii biyaha hadba sidaa u taqaaniin

Hadaba ninkii nacaska ahaa markii uu adhigii soo tubay darkii ceelka ayuu halkii uu adhiga uga diyaarin lahaa weelkii xoolaha lagu waraabin jiray ama sidii caadada ahayd uu kolba hormo adhiga usoo hori lahaa

Ayuu ileen nacas faa.iido malehe intuu adhigii ceelkii dul keenay ayuu afka kaga shubay adhigiina ileen waa adhi oomane ama adhi haraadane ceelkii ayuu ku daatay

neef waliba markuu berkada ama ceelka gudaha ugu dhaco ayuu degaa ileen waa neef god biyood kudhacaye kadib markuu neefku cabaar dabaasho ayuu dhintaa ama bakhtiyaa

Ileen neef xoolaa oo ceel ku dhacay dib ugama soo baxaayee hadaba

ninkii nacaska ahaa markuu adhiga neefkii ugu dambeeyay ceelkii ku dhacay

ama ku bakhtiyay

Ayuu ileen nacas barako malehe isna mukhaayadihii tuulada ayuu isaga shaah doontay

Dabeedna markuu makhaayadii soo fadhiistay ayaa lagu yidhi waar hebel maxaad wadday?

Waxaanu nacaskii ku jawaabay adhigii ayaan soo arooriyay

dabeedna waxa lagu yidhi oo mee adhigii ?

Wuxuu yidhi wuu cabayaa

cidhibtaa go.aday oo cabistaaba hadhay hada waa adhi aan neefba ka noolayn

oo uu ceel ku dabar gooyay

oo saaka caaray caydh madaw looga baxay

By Sacad Cali Kaahin Balaaki