Hargeysa(Halsan):- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo ah Abwaan ILAAHAY hibo u siiyey gabayaanimada, ayaa waxa uu tix Gabay baroor diiqa ka tiriyay Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Weriyihii Caanka ahaa Marxuun Axmed Xasan Cawke oo shalay si heer Qarana loogu aasaay Magaalada Tog-Wajaale oo uu maro xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia.
Abwaan-Weedhsame oo ah Abwaan ka caana dhulka Soomaalidu degto ayaa waxay tix-diisu u dhignayd sidan:
Is diidsiiyey dhiilada warkiyo hadalka soo duulay
Duufaan xusuusuhu kacsheen daali madaxayga
Dubaaqayga Qiirada Damqaday Igu Dinnaahyeeye
Ilmo Dabarku Hayn Waayey Oo Dhaba U Dareeraysa
Hadba Duugay Waan Duugayaa Dooxse Lama Mooso
Damal Dhacay Docdiisii Banaan, Deyrka Naga Liicay
Xulad Dumay Haldoor Lagu Goblamay Deeqsi Naga Hoyday
Nimcay Dihatay Hooyaba Wed Baan Laga Dabbaalayne
Rabbi Baan Duruunsaday Baryanaa Waan u Dirayaaye
Inta Loo Daraadiyo Ilaah Kaama Dhigo Deyro
Duddo Nabada Iilkaagu Noqoy Daarad Naxariisa
Qabrigaagu Daartii Janada Daa’im
Home English News ABWAAN-WEEDHSAME OO TIX GABAY BAROOR-DIIQA KA TIRIYEY GEERIDA MARXUUM AXMED XASAN CAWKE.