Abwaan Weedhsame oo ka hadlay Hab-dhaqan Guracan oo Dadka qaar Caadeysteen

0
323

Abwaan Weedhsame oo ka hadlay Hab-dhaqan Guracan oo Dadka qaar Caadeysteen

Abwaan Weedhsame oo ka hadlay Hab-dhaqan Guracan oo Dadka qaar Caadeysteen

Abwaan Weedhsame oo ka hadlay Hab-dhaqan liita oo Dadka qaar Caadeysteen

 

Abwaan Xasan Daahir “Weedhsame” oo Kamid ah hal aburka dhalinyarada Somaliland ayaa ka hadlay Habdhaqanka dadka qaar iyo sida ay baraha bulshada ugu Baahiyaan sawir iyagoo tukana,sadaqo la baxaya amaba wax alle Loogu dhawaanaya samaynaya in ay hadana banaanka keenaan.

 

Sidoo kale abwaan weedhsame ayaa bulshada ka waaniyay dhaqanada noocaasi isagoo qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga wuxuna udhignaa sidan;

“Rabbiga Weyn baa salaadda, soonka, sadaqada iyo gudashada Xajkaba dadka ka abaal mariya. Waxa aad ilaahay dartii u Samaynayso, uma baahnid inad dadka la maragsato oo aad isku Tusto.

Waxa aad arkaysaa qof isagoo Qur’aan akhrinaya sawir intuu Iska qaado facebook soo dhigaya! Waxa kale oo aad arkaysaa Mid qof baahan wax siinaya, oo video muuqaal ah iska duubaya Saxaafadana ka sheegaya!!

Waxa sidoo kale la arkaa, qaar Alle dartii waxay xalay u faleen, Aroornimada Facebook kula soo kallahaya. Tusaale ahaan Qaar Soo qoraya “xalay tahajudkii aan tukanay allaha naga aqbalo”

Is muujintu yaanay meel kasta innaga gelin. Ilaahay waxba lalama wadaago. Basharku maaha Allaha aad isaga dartii u Samo-falayso, balse waa addoomo kula mid ah. yeynaan Ikhlaaska ilaawin. Addoon kula mida adoo sumcad ka raadinaya, raxmaankii ku abuurtay ajarkiisa ha waayin.

Allaha inna asturo if iyo aakhiraba.

ABWAAN XASAN DAAHIR ISMAACIIL “WEEDHSAME”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here