ABWAAN C/WAAXID GAMA’DIID OO XABSIGA LOO TAXAABAY KADIB MARKII UU TIRIYEY GABAY UU KU BOGAADIYEY WEERARKII PARIS

0
811

Hargeysa (Halsan):- Abwaanka caanka ah ee da’da yar Cabdiwaaxid Gama’diid ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu dhawaan Gabay ku bogaadiyey weerarkii dhawaan Dawladda Islaamigu ku qaaday magaalada Paris ee lagu laayey tiro ku dhaw 200 Qof.

Abwaan Cabdiwaaxid Gama’diid, ayaa Maalintii Shanaad ku xidhan Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, waxaana warkaasi u xaqiijiyey Wargeyska Himilo qaar ka mid ah Ciidammada ammaanka Somaliland.

Gabaygan uu Abwaanku ku taageeray Weerarkii lagu qaady caasiamadda Faransiiska waxa uu ula baxay “Isha Cali U Fiirsada”, taas oo tuducyo ka mid ah ku taageerayo Weerarkaasi lagu hoobtay.

Abwaanka ayaa gabaygiisan cusub ku sheegaya inuu soo dhaw yahay Nasri ay Muslimiintu sugayeen, waxaanu ku sifeeyey weerarkaasi Paris iyo kuwa la midka ahba kuwo hiil u ah muslimiinta lagu dhibaataynaya caalamka.

Gabaygan cusub ee lagu xidhay Abwaanka ayaa tuducyadeeda sida gaarka ah u taabanaya Weerarkii Paris waxa uu Abwaanku ku yidhi sidan:-

“Wax badan buu fidmo iyo Diin la’aan uumiyaha faraye

Wax badan buu fasaad, dhib iyo Qudhun ku foognaaye

Wax badan buu fasaxahay ceebta iyo ficilkii Reer Luude

Faransiis dhirbaaxada ku taal waa farriin culus

Tiro male bakhtiga fuurayee haadku fagayaaye

Alleylehe Rag foolaada oo fiican baa jaraye

Gaal oo dhan waakaa fajacay Xalay fiidkiiye

Waa kuwaa Faraqay Oohintoo taaba may filane..”

Abwaanku waxa kale oo uu Maansadan ku yidhi:-

Dakanadii Furqaan laga galaan Firiq la dhaafeyne

Fataaloo dhan Saaka Rasaas loola fiirsade

Fooxliyo Cilmaani iyo Basaas faasiqiyo Daalin

Saakay ku wada foorartaa furuq Alle u keenye

Futadaa Rag badan Gii’le oo maalal foofsaday

Murtad oo dhan Saakuu Fig iyo Gawrac filayaaye.”

Maaha Maansadii u horeysay ee Abwaan Cabdiwaaxid uu ku ammaano hawl-gallada kooxaha Adduunku Argagixisada u yaqaanno fuliyaan, laakiin sidan oo kale ayuu Maanso ugu amaanay weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaadday Suuqa West gate ee Magaalada Nairobi sanadkii 2013-ka waxaana xabsiga u taxaabtay Xukuumadda Somaliland, inkasta oo markii la sii daayey haddana mar kale lagu xidhay Puntland.

Maaha markii ugu horreyesay ee abwaanka loo xidho arrimo caynkan ah, waxaa jiray Gabay kale oo sannadkii 2013-ka sidan oo kale loogu xidhay Hargeysa iyo weliba Garoowe, ka dib markii uu Maanso ku taageeray weerarkii Al-shabaab ka fulisay suuqa West Gate ee Magaalada Nairobi.

Abwaanka ayay suugaantiisu dhimbiil dab ah ku noqotay dalalka reer galbeedka iyo xulafadooda, waxaanu beryahan dambe curiyaa Suugaan aad u xeel-dheer oo dhul-gariir ku noqotay dalal fara badan oo awood u sheegta caalamka.

Abwaan Cabdiwaaxid Gama’diid ayaa ku suntamay iftiiminta aan gabashada lahayn ee aragtidiisa dhabta ah, ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda la hor-geeyo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, sida loo xaqiijiyey Wargeyska Himilo.

Xigasho: Gabileyonline