Aas qaran oo magaalada Begin loogu sameeyay sarkaal ku geeriyooday qaraxii Muqdisho + Sawirro

0
638

1-456x400 shiinah4 shinaha1 shinaha shiinaha2Sarkaal ka tirsan Dowladda Shiinaha oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa laga dejiyay garoonka diyaaradaha Begin, halkaasi oo loogu sameeyay aas qaran isla markaana laga qaaday meydka sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Zhang Nan.

Madaxda Dowladda Shiinaha, ciidamada Qaranka dalkaasi iyo ehelada marxuumka ayaa socod dheer ku maray goob loo sii diyaariyay gelbinta meydka Zhang Nan oo ku jira qanduuq sawirkiisa lagu dhejiyay.

Duulimaad tirsigiisu yahay China Airlines CZ2002 oo Muqdisho ka qaaday meydka sarkaalka Shiineeska ah oo isagu u geeriyooday dhiig bax markii uu ku dhaawacmay qaraxii Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Ehelada Zhang Nan xubno u hadlay ayaa sheegay in wiilkooda oo da’diisu tahay 28-jir uu ka geeriyooday dhammaanba Dowladda iyo shacabka dalka Shiinaha, iyagoona sheegay inay si weyn uga xun yihiin geerida wiilkooda.

Madax ka tirsan Dowladda Shiinaha ayaa saxaafadda u sheegay in geerida sarkaalkooda aanu waxba u dhimi doonin xidhiidhka soo jireenka ah ee ay la leeyihiin dalka Soomaaliya.

 

Halsan Media

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here