Aas Qaran oo aan Loo Kala hadhin oo maanta Marxuum Nimcaan Cabdi Obolos lagu aasay xabaalaha Sheekh Cali Guure ee Magaalada Jigjiga

0
731

Jigjiga(Halsan):-Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaa maanta lagu aasay xabaalaha magaalada jigjiga ee sheikh cali guure marxuum nimcaan obolos oo shalay abaarihii maqribka si kadis ah ugu geeriyooday isbitaalka karamardha.

Hadaba maanta barqinkii ayaa waxaa marxuumka laga qaaday xafadoodii iyadoona aan look ala hadhin ka qaybgalka aaska marxuumka haday ahaan lahayd hogaaminta ugu saraysa xukuumada oo ay ugu horeeyaan Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,kuxigeenka madaxwaynaha ahna wasiirka waxbarashada mudanemawliid haayir ,golaha capinetka,maareeyayaasha wakaaladaha iyo kuliyadaha,Culumaaudiinka,Waxgaradka,Odoyaasha iyo saraakiisha Ciidamada Boliska gaarka ah iyo Booliska caadiga ahba iyo kumanaan qaybaha bulshada ah.

Madaxwaynaha oo xabaasha ka khudbadeeyay ayaa yidhi geeri naxdin leh ayay ahayd balse qadarka eebe ayaan la baajin Karin kuligeena wadadaas ayaa ina wada sugaysa ee alle ha inaga dhigo kuwa saahay u sii qaata qabriga ee amarka alle fuliya marxuumkana waxaan ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janatulfardawsa ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin.

Marxuumku waxa uu ku dhashay naxariistii jano alle ha ka waraabiyee magaalada jigjiga sanadku markuu ahaa 1989kii taariikhda Gregorianka isagoona waxbarashadiisii hoose iyo dhexe ku qaatay dugsiga wiilwaal,waxbarashadii dugsigiisii sarana ku qaatay Sare Jigjiga heerka waxbarasho ee Degreegana ku qaatay jigjiga university.

 

Marxuumka ayaa aanan ka tegin xaas iyo caruur lana noolaa Hooyadii iyo walaalihiis

tacsi3tacsi2tacsi1tacsi5tacsi5