Aamina Weris Marwada Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Kulan Ay La Yeelatay Haayadda Irishka Ah Ee Galbeedka Somaliland Ka Shaqaysa Ee Concern Worldwide Ka Codsatay Inay U Wareejiyaan Hawlahooda Dhinaca Beriga Somaliland Daawo Sawirada

0
673

Hargeysa (Halsan):-Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina-Waris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa Masuuliyiinta Hay’adda Caawimooyinka ugu weyn ee dalka Ireland ee Concern World-wide Charity, oo ay kula kulantay waddankaas oo ay ka mid tahay Weftiga Madaxweynaha ee Booqashada shaqo ku jooga waxay ka dalbatay inay Mashaariic caawimooyin ah oo ay ka fuliso gobollada Galbeedka Somaliland u wareejiyaan gobollada Bariga.

 

Waxaa sidaa lagu sheegay War Qoraal ah oo uu Ireland ka soo diray Weriye Muniir Axmed Cigaal oo la socda Weftiga Madaxweynaha, isla markaana ay Madaxtooyadu Saxaafadda u kala dirtay, waxaana Qoraalka Warkaas oo Aftahannews soo gaadhay u dhignaa sidatan:-

“Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-Waris Sheekh Maxamuud Jirde, ay kulan la qaadatay Madaxda ugu sarraysa Hay’adda ugu weyn waddanka Ireland ee Mucaawinooyinka gaadhsiisa dalalka Afrika, taasoo loo yaqaan Concern World-wide Charity. Guddoomiyaha Hay’adaas Dominic MacSorely iyo Saraakiisha ka tirsan Concern World-wide, ayaa qaabbilay Aamina-Waris.

Madaxda Hay’ada Cincern, ayaa sheegay in laamaha Ururkooda ee Afrika ay ka shaqeeyaan qaybo ka mid ah gobollada Galbeed ee waddanka Somaliland, gaar ahaan gobolka Gabilay, isla markaana ay u qorshaysan tahay inay isbeddal ku sameeyaan sidii gobollada kale Hay’addu u gaadhi lahayd.

Marwada Madaxweynuhu waxay u soo bandhigtay inay xoogga saaraan gobollada Bariga ee dalka sidii ay u gaadhsiin lahayeen takulayntooda. Sidoo kale waxay ka codsatay inay Xukuumadda Ireland ku dhiirriyaan sidii ay ugu soo biirilahayd waddamada ku midoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaan SDF.

Waxaanay Masuuliyiinta Concern World-wide ballan-qadeen inay ballaadhin doonaan mashriicda Somaliland. Waxa Marwo Aamina-Waris kulankaas ku weheliyey Wasiirka Warfaafinta iyo La-taliyaha Hay’adaha u qaabbilsan Madaxweynaha Somaliland.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Warkaas Aftahannews soo gaadhay.

waris2 waris3 waris4 waris5 waris6