Aabo Muuse iyo NGO…….?

0
873

Aabo Muuse iyo NGO…….?

 

Badhtamihii bishii tobnaad ee 2017 oo uu socday ololihii doorashada Madaxtooyadu ayaa maalin kamid ahayd Maalmihii ay u lahaayeen Xisbiga kulmiye ayaan la kulmay dad iyo baabuur aad u badan oo ku gaashaamnaa calamo iyo astaanka xisbiga kulmiye. Baabuurta sida koronkorta ayaa dul iyo dhinacba dhalin yartu ka buuxeen. Waxaase isoo jiitay haddalada ay ku dhawaaqayeen dhalin yartaasi aadka u da’yarayd, haddaladaas oo ahaa “ AABO MUUSE… AABO MUUSE… AABO MUUSE…..!

Haddaba, wakhtigan la jooga oo ay Madaxweyne Muuse uu dalka hogaaminaayey muddo 4 bilood ah, islamarkaana jid qodaxo iyo kurtimo badan oo ay dawladii uu xilka kala wareegay ay kaga tagtay horyaalaan aya waxaa hadda u bilaabmay inuu caga lagalo. Dhinaca kale marka laga eego  mushkiladaha ku xeeran   madaxweynaha waxay tahay iyada oo uu dawladiisi inteeda badan uu ka dhigay dhalin yaro aan ehel u ahayn siyaasad iyo dawladnimo  intaba, bal u fiirsada Qasriga kuwa ku urursan tayadooda , kuwa Madaxweynaha u ehelka ahi waa kuwaa iyo kuwa aan dhaamin oo uu xilal sare ku taxay, ma kuwaas ayaa xaaladan qalafsan ee madaxweyne Muse hadda kusoo wajahan ka saari doona. Mar ayaan is idhaa malaha kuwaasi waa kuwii baabuurta dusha ka fuushanaa ee lahaa ; Aabo Muuse……! Aabo Muuse…..! Aabo Muuse……..!

Madaxweyne kuwa aad tilmaantay waraysigaagii Hereri ee yara mudakarkina waa kuwa ku mashquulsan hawlahan ee bal yara milicso; Maalin dhaweyd ayaa qof ilasoo xidhiidhay oo uu igu yidhi , waadigii shirkada Audit firm ka lahaaye NGO ga ninkaas ayaa u baahan shaqo audit e laxidhiidh, ninkii ayaan raadsaday kuye ninkuba waa masuul sare oo xil ka haya xukuumadan MBC.  Markaa haddii xukuumadaadii noqotay; Aabo Muuse iyo NGO…….?

Gabogabadii, Madaxweyne waxaan kugula talinayaa jid dheer iyo hawlo culus ayuu xambaarsan yahay xilka laguu doortay, waxaa lagaaga baahan yahay inaad xukuumadaada aad ka heli karto cid aad la tashato oo markay hawlo adagi qaranka soo wajahaan aanad Mucaarad iyo Mudane Cirro iyo xisbigiisa oo u taagan siday mar uun u arki lahaayeen jabkaaka inaanad tallo weydiin. Nin jabkaaga ku farxaaya haddii aad tallo weydiiso maxaad ka fili kartaa inaad ka hesho! Waxase aan hubaa wixii cirro kuu geeyey in aad wax weydiiso , xoolihii xeradda kuugu jiray ayaad mid aad kasoo qabato weyday!

Halsan Media Group