Hadal heeynta ugu badan ee warbaahinta dalka Germany ayaa waxa ay noqotay Aabe u dhashay wadanka Siiriya kuna nool magaalada Hambrug ee gudaha dalka Germany oo ku guuleeystay lacag fara badan oo baqti nasiib ah . Aabahaan Siiriyaanka ah oo lagu sheegay 56-jir wuxuu u shaqeeyn jireen Maqaaxiyada cuntadagaar ahaan qolooyinka dadka guryaha ugu geeya Cuntada Piza-da loo yaqaan . Aabahaan oo 3 Euro ku ciyaaray baqti nasiibka loo yaqaan LOTTO ayaa waxa uu ku guuleystay Aduun dhan 508.904,60 Euro . Ninkaan oo Qaxooti ku ahaa dalka Jarmalka ayaa iminka asaga oo faraxsan waxa uu warbaahinta u sheegay in uu furan doono dhoor Maqaayadood oo Piza-da lagu iibiyo halka markiisii hore uu shaqaale ka ahaa . |