Guddida Joogtada Ah Ee Wakiillada Oo Go’aan Ka Gaadhaysa Falka Ilaalada Madaxtooyadu Mudaneyaasha ku Faro Saartay

0
884

Hargeysa(Halsan) Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo ka mid ah Golaha Wakiillada ayaa sheegay in guddida joogtada ah ee wakiilladu sabtida soo socota fadhi  ka yeelan doonaan fal fool xun oo ciidanka ilaalada Madaxtooyadu kula kaceen isaga iyo Mudane Xasan Cawaale Caynaan.

Mudane Xaamud, oo ay Madaxtooyada isku maandhaafeen wasiir Warancadde, ayaa ilaalada Madaxtooyadu isku dayeen inay madaxtooyada ka saaran islamarkaana dhibaateeyaan balse Xasan Cawaale Caynaan ayaa kaga guntaday, iyadoo markii dambena Xildhibaan Xasan Cawaale Ciidanku gaaracay

“Muraad aannu u lahayn Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaannu marka hore u tagnay madaxtooyada, laakiin markii aannu dhamaysanay muraadkayga, ayaanu aragnay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo faraha igu soo fiiqaya, oo weliba hadalna raacinaya, balse xildhibaan Xasan Cawaale ayaa askarta u sheegay in aan ahay mudane ka tirsan Golaha Wakiillada oo la iga daayo haddidaada, waxaanna dhacday in Taliyaha ciidanka Ilaalada ah uu ka cadhooday hadalkaas, waxaannu xildhibaanka feedh kaga dhuftay laabta oo dhinaca naaska hoostiisa ah,” ayuu yidhi Md. Xaamud, isagoo intaas raaciyey; “Waxaanna dhacday in markiiba askarta oo badan ay dhibaatooyin gacan-ka-hadal ah u gaysteen xildhibaanka oo mid waliba wax ku dhuftay, waxaanna gaadhay dhaawac loo dhigay cusbitaalka.”

 

Md. Xaamud, ayaa sidoo kale sheegay in goobta lagu dhibaateeyey xildhibaanka ay joogeen wasiirro xukuumadda ka tirsan oo uu ka mid yahay Wasiirka Daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancadde, isla markaana aanay wax tallaabo ah qaadin taliyaha iyo askarta dagaalka kula kacay Md. Xasan Cawaale.

“Falkaas foosha xun maaha mid aannu sidaas ku dhaafi doono, waxaanan doonaynaa in aannu shir ka yeelanayo maalinta Sabtida haddii Ilaahay yidhaah, iyadoo aannu soo saari doono go’aan lagula xisaabtamayo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo cidda kale ee arrintaas ka dambaysayba,” ayuu yidhi Md. Xaamud Cismaan oo wargeyska Jamhuuriya la hadlay xalay.

Warbixinta Jidh Dilka Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo uu taliyahoodu hogaaminayo ayaa garaacay Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan iyo mudane kale, oo ka tirsan Aqalka golaha wakiilada Somaliland, iyadoo goobta lagu faro saaray oo ahayd Madaxtooyadana uu ku sugnaa Wasiirka daakhiliga Cali Maxamed Warancadde.

 

Xildhibaan Xasan Cawaale, oo saxaafadda kula hadlay dhakhtar lagaga dawaynayo jugaha la gaadhsiiyay ayaa sheegay in ka hor intii aan isaga la fara saarin uu ku guntaday Xildhibaan aqalka wakiillada ku cusub oo ciidanku madaxtooyada khasab kaga saarayay.

 

Xildhibaan Xasan Cawaale oo sharaxaya siday wax u dhaceeen ayaa yidhi “Waxaanu joognay madaxtooyada. Xildhibaan ka mid ah wakiillada oo dhawaan nagu soo biiray ayay Wasiir Warancadde yara wada hadleen(Is-khilaafeen), kadibna Askari ka mid ah Askarta ayaa Xildhibaanka gacanta ku soo fidiyay oo yidhi Ka bax meesha(Madaxtooyada), markaa waxaan ugu jawaabay waar waa nin xildhibaan ah ee ka daa gacanta.

Intaas kadib Askarigii wuxuu u tagay taliyihii ciidanka ilaalada Madaxtooyada,Taliyihii oo askar badani la socoto ayay ii yimaadeen kadibna wuxuu igu yidhi maxaad Askariga sidaas ugu tidhi?, ana waxaan ku idhi waar Adeer waa Xildhibaan baan ku idhi, kadibna taliyihii labadiisa gacmood oo isku duuban buu feedh ahaan iigu dhuftay, dabeed dhulka ayaan ku dhacay, askartiina gacanta ayay I saartay”

 

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka hadlay dhaawacyada ka soo gaadhay dagaalka askarta iyo taliyahoodu kula kaceen “Dhabarka oo aan u dhacay wuu I xanuunayaa, Wadnuhuna wuu I xanuunayaa, markaa wanigaa dhakhtarka jiifa, Insha Allah bal dhakhtarka ayaynu ka war sugaynaa”

 

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, ayaa Taliyaha guud ee booliska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ugu baaqay in taliyahaasi loo soo xidho “Waxaan ugu baaqayaa in Ninkaas la ii soo xidho oo gacanta la iga soo galiyo, si arrintaasi iiga dhammaato, sababtoo ah anigu xil weyn baan hayaa, Umaddaa I soo dooratay, wuxuu iila yimid gacan, manay habboonayn, markaas waxaan doonayaa in la ii soo xidho oo maxakamadda la ii keeno”

 

Falka Ciidanku kula kacay Xildhibaannada Kulmiye ee waliba ah kuwa ugu dhaw Madaxtooyada ayaa muujinaya kala dambeyn la’aanta dawladnimo ama kala darajo sarraynta masuuliyiinta maadaama Mudaneyaasha Bulshadu soo dooratay Booliska ka amar qaadanaya Wasiir Warancadde  ku dhex garaacayaan Madaxtooyada.

Mudaneyaasha ayaa leh xasaanad iyo dhawrsanaan ay ku muteen bulshada ay metelaan, waxaana dhawr jeer dhacday in lagu xadgudbo haybadda mudaneyaasha kadib markii dhibaatooyin xadhig ka mid yahay lagula kacay mudaneyaal ka tirsan Guurtida iyo Wakiillada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here