Khilaafkii U Dhaxeeyey Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood Oo Meel Adag Maraya Iyo Xildhibaanada Oo U Kala Jabay Laba Garab

0
611

Hargeysa(Halsan): -Waxa mudooyinkii u danbeeyey jiray khilaaf xoogan oo u dhaxeeya xildhibanada golaha degaanka degmada laascanaood kaasi uu kasalaysan mooshin ka dhan ah mayaarka degmada laascaanood ooay  xildhibananada badankoodu damacsan yihiin inay xilka ka qaadaan.

xildhibanada mucaaradka ah ayaa tiradoodu gaadhaysaa 14 xildhibaan oo uu ku jiro maayarkii hore degmada laascaanood Cabdiqaadir Jamac Salaax oo ay xildhibanadu doonayan inay kursig saaraan maayrkii hore kadib markay xilka ka qaadan maayarka hada jooga.

Dhanka kalena xildhibaanda taabacsan maayarka  degmada laascaanod ayaa sheegay in maayarku uu wax badan qabtay intii uu xilka hayay waqtigan aan loo baahneen isbedel ku yimaada degmada.

Xildhibaanada golaha deegaanka degmada laascaanood ee iyagu damacsan inay xilka ka qaadan maayarka degmada ayaa maayarka ku eedeyey in hantidii dadweynaha ku sameyeye musuqmasuq iyo waliba inaanu  xildhibnaada  kala tashan,shaqadiina kaligii maroorsaday.

Sidoo kale waxay  shegeen xildhibanada mucaaraddka ahi in maayarku uu dhul badan oo dhulka danta guud ah iibsaday qaarkood uu dad masaakiin ah ka qaaday,sidoo kale uu uhanjabay qaar kamida ah xildhibanada golaha degaanka laascanaood sidaa daraadeed uusan wax intaasi ka badan uusan sii joogi Karin.

Ugu danbayntii ganacsatada ku nool laascaanood iyo xildhibaanada mucaaradka ah oo is dugsanaya ayaa wada qorshe ay xilka kaga qaaadan maayarka degmada laasacaanood iyaga oo sidoo kalena dabada ka wada maayrkii hore degmada oo ay damacsan yihiin inuu kursiga gudoomiyaha degmada mar labaad dib ugu noqdo, iyada oo ay sidoo kalena xusid mudan tahay iny xildhiibadan taabacsan maayrka degmada ay dhankooda ka wadaan olole iyo kaambayn ay ku doonayaan inuu sii fuushanaado kursiga maayarku.

Bulshada degmada laascaanod Ayaan iyagu ilaa hada garanayn halka uu sal dhigan doono khilaafkan ragaadiyay xildhibaanada golaha deeganka laascaanood ee sababay inay mudanayaashu ukala jabaan laba garab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here