Ciidanka Booliska Deeganada Dhoqoshay Iyo Balidhiig Oo Gacanta Kusoo Dhigay Nin Lagu Eedeeyey Inuu Cunay Wiil Yar

0
606

Burco (Halsan): -Maalintii shalay ahayd Abaaro 11:00 Duhurnimo ayaa  Degaanka u Dhaxeeya Degmada Balidhiig iyo Taalo Buur Lagu Cunay Alle How Naxaristee inan Yar Lagu Magacabi Jiray Maxamed Carab Buraale Kaasi oo la Joogay Xoolo isla markaasna ay tan iyo maalintii shalayd ahayd ay ciidamada amaanku ku daba jireen sidii ay usoo qaban lahayeen cidii gaysatay falkaasi.

waxaaan wararka naga soo gaadhaya magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer ay sheegayaan in Ciidamada Amaanka Ee Deganada Balidhiig iyo Dhoqoshay Oo Hoos yimada Gobalka Togdheer ay mardhawayd gacanta ku soo dhigeen Gacan ku Dhiiglihii Gaystay Falkasi Foosha Xun leh ee ka dhacay deegaanadaas,

ilmahan yar ee maalintii shalay ahayd lagu dilay degaanka u dhaxeeya Balidhiig iyo Taalo-buur ayaa la shegay inay da-diisu ahayd 11 Jir,

Taliyaha Ciidanka Degmada Doqoshay Cali Axmed (Cali Maleeye) ayaa xaqijiyay inay Ciidamada Booliska deegaanada oo iskashanayaa ay gacanta ku soo dhigeen Gacan ku Dhiiglahaasi,

Waxaanu Taliyuhu tilmamay inay gacan ku dhiiglaha ku soo qabteen Magalada Dhagax Dheer oo ka Tirsan Degmadda Balidhiig,

Dhinaca kale waxa uu taliyuhu cadeyay in qoyska uu ka soo jeedo Gacan ku Dhiiglahani ay gacanta usoo galiyeen Ciidanka Booliska waxaana hada lagu hayaa gacan ku dhiiglahani Jeelka Degmadda Dhoqoshay iyadoo la Filayo in loo dhaadhicin Doono Xabsiyada ku Yaala Magaladda Burco.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here