AMISOM oo qiratay in ay ka dambeesay dadkii lagu laayay Magaalada Buulo Mareer

0
745

AMISOM , ayaa qiratay in ay ka dambeeyeen Ciidankooda dad shacab ah oo saakay lagu dilay Duleedka magaalada Buulo Mareer, kadib markii gaarigii ay dadkaasi saarnaayeen rasaas ku fureen Ciidamo katirsan AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col:-Joe Kibet , ayaa sheegay in ciidankooda ka dambeeyeen dadkii saakay lagu dilay Magaalada Buulo Mareer Duleedkeeda, waxa uuna tilmaamay in ay aad uga xun yihiin dhacdadaasi.

Col:-Joe Kibet, ayaa xusay in Ciidankooda ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad Shacab ah ayna halkaasi ku dileen afar qof oo labo kamid ah ah ahaayeen Haweeney waayeel iyo gabar ay ayeeyo u aheed.

Afhayeenka ayaa sheegay in goobta uu shilkan ka dhacay ay aheed goob cidlo ah , waxa uuna intaa raaciyay in ciidankooda gaariga ka shakiyeen kadibna ku amreen in uu istagao balse dawaralka uusan maqlin amarka askarta sidaana rasaasta loogu furay.

Waxa uu Sheegay Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col:-Joe Kibet, in ay baarayaan shilkan maanta ka dhacay Magaalada Buulo Mareer, waxa uuna cadeeyay in ay aad uga xunyihiin dadkii shacabka ahaa ee shilkaasi ku dhintay.

Hadalka Afhayeenka ayaa imaanaya xili saakay gaari kasoo baxay Magaalada Buulo Mareer rasasa ku fureen Ciidamo katirsan AMISOM, waxaana rasaastaasi ku dhintay afar qof oo shacab ah oo marar duleedka magaalada Buulo Mareer

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here