Rag is qarxinayey oo lagu qabtay Turkiga

0
642

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegaysa in xoogagga ammaanka ee dalkaasi ay qabteen 10 nin oo ka tirsan kooxda khilaafada Islaamka, oo isku dayayay in ay ka soo gudbaan xudduudda dalkaasi uu la wadaago Suuriya.

Milatariga ayaa sheegay in mid ka mid ah raggaasi la qabtay uu xidhnaa suunka la isku qarxiyo, isla markaana uu diyaar u ahaa in uu is qarxiyo.

Xadhigga raggani ayaa imaanaya seddex maalmood uun kaddib, markii weerar bambaano oo ka dhacay Istaanbuul ay ku dhinteen afar qof.

Booliska ayaa raadinayay xubno ka tirsan koox la sheegay in ay qorsheynayeen weerarro dheeraad ah oo ka dhan ah magaalada Istaanbuul.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in booliksa ay soo qabteen seddex qof kaddib markii ay u dheceen guryo kala duwan oo ay degganaayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here