Daawo Sawirada'' Booliiska Belgium-ka oo Weerar ku qaaday Xaafadii ay dagnayaeen Ragii ka dambeeyay Qaraxyadii ..

0
834

Ciidamada booliiska Belgium-ka, ayaa xalay ilaa saakay waxa ay wadaan howlgal balaaran ay ku baadi gobayaan nin kamid ahaa ragii ka dambeeyay qaraxyadii shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha Zaventem ee magaalada Brussels.

Ciidamo gaar ah ayaa tagay howlgalna kawada xaafada Shaerbeek, halkaas oo la sheegay in ay kunoolaayeen sadaxdii nin ee shalay ka dambeeyay qaraxyadii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Caasimada Belgium-ka .

Howlgal ay wadaan Ciidamada ayaa lagu galay guryo gaar ah oo kuyaala xaafada Shaerbeek, waxaana ciidamada intii ay howlgalka wadeen ay kusoo qabteen waxyaabo kiimiko ah iyo sidoo kale calanka astaanta u ah Kooxda Daacish.

Ciidamada howlgalka wada ayaa ah kuwa aad u hubeesan sidoo kale adeegsanaya gaadiidka dagaalka iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca, waxa ayna sidoo kale ciidamada howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo kawadaan qeybo badan oo kamid ah magaalada Brussels.

Qaraxyadii shalay ruxay magaalada Brussels , waxaa ku dhintay dad ka badan 34-qof waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ku dhaw 200-qof, waxaana masuuliyada qaraxyadan dusha saartay Kooxda Islaamiga ee Daacish.

beek_2 beek_4 beek_5 beek_6 beek_7 beek_3 beek_8 beek_9 beek_1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here