War-weyn:Shidaal Waskahysan oo Somaliland la keenay,Shirkada keentay,Halkay ka keenay,cadadkiisa iyo Halka lagu shubay?.

0
609

Shidaal Waskahysan oo Somaliland la keenay,Shirkada keentay,Halkay ka keenay,cadadkiisa & Halka lagu shubay?.

Berbera(Halsan):-Sida ilo-wareedyo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Qarannews shirkada Red Sea oo ah Shirkada ugu tunka weyn Shirkadaha Maamula  Haamaha Shidaalka Berbera  ayaa dhawaan dalka keentay Shidaal wasakhaysan oo si xun loo farsameeyay oo lagu milay Maado lagu sheegay magaceeda Dhiijii-oyal. Nooca Shidaalkan wasakahaysan ayaa lagu sheegay inuu dhan yahay 5000 Ton,lagana soo waariday Dalka UAE.Ma qeexna in Tijaabo ahaan dalka loo keenay & in kale.

Maadadan Dhiijii Oyal ee lagu daray shidaalka ayaa la sheegay in loogu talo galay in lagu badiyo mugga shidaalka ,Tusaale ahaan haddaan si kale u dhigno Halka halkii Ton awel hore ahaa 5.8 Foosto ayaa marka lagu daro maadadan waxay halkii Ton ka dhigaysaa 6.5 Foosto,Calashaan waxay badinaysaa mugga shidaalka halkii Ton-na waxay ku kordhinaysaa Todoba Foosto.

Taas ka sakow ,Nasiib wanaag sida xogguhu sheegayaan waxaa shidaalkaas markiisii horeba lagu shubay Taangi (Haan) gaar ah ,Hase yeeshee ilaa iyo Tobaneeyo Booyadood oo loo kala diray Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa oo kaalimo lagu shubay ama loo qaybiyey ayaa markiiba qaylo ka soo yeedhay ka dib markii Gaadiidkii lagu shubay isla Goobihii hashkad xoogani soo wajahaday oo cabashadu badatay,Aakhirkiina sababtay in Shirkada Red sea hakiso dhaaminta shidaalkaas fashilmay,Booyado badan oo u rarnaa Burco iyo Hargeysana dib loogu celiyey Haamaha Shidaalka oo dib looga shubay Haantii laga soo dhaamiyey ilaa inta xal kale laga baadi doonayo.

Ku darsoo  Xoggo kale ayaa tibaaxaya in shidaalkaa waskahaysan ee ay dalka keentay Shirkada Red Sea ee lagu daray maadada Dhiijii -Oyal haatan loo dalbaday ama loogu diray dalka UAE Kiimikaalis kale oo adkaysa ama tayadiisa wax ka bedesha maadaba maadadii hore ee lagu badinaayey  fashilantay oo tayadiisii kharibtay. Xikmad Somali baa ah “Wax badso wax beel bay dhashaa”.

Isku soo wada duuboo maadadan Dhiijii-oyal ee shirkada Red sea ku soo dartay shidaalka ayaa ujeedada laga lahaa ahayd inuu badiyo ama kordhiyo Muga (Density) shidaalka hase yeeshee waxaa lagu daray xaddi badan taas oo keentay in shidaalkii wasakhoobo ama noqdo khafiif taas oo dhaawac & khasaare gaadhsiinaysa Gaadiidka lagu shubo .

Source: Qarannews

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here