Kadib Guuladaradii Real Madrid Ka Soo Gaadhay Dariskeeda Atletico Madrid, Los Blancos Oo Ka Walwalsan Xaalada Karim Benzema Oo Aan Qaybtii Danbe Garoonka Ku Soo laaban

0
695

Real Madrid ayaa isakaraysa iyada oo haddaba afar dhibcood ka danbaysa kooxda kaalinta labaad kaga  jirta La Ligaha ee Atletico Madrid oo Los Blancos guul 1:0 ah kaga gaadhay Santiago Bernabeu laakiin Real Madrid ayaa guuldaradan kadib ka walwalsan xaalada taam ahaansho ee Karim Benzema oo ciyaarta laga saaray waqtigii nashadada ee kulankii Madrid Derby.

Karim Benzema ayaa kulankan ku soo laabtay shaxda Real Madrid wuxuuna shalay Zidane sheegay in uu si taam ah uga soo kabsaday dhaawac uu kulamadii hore ku seegay balse waxay u muuqatay in Benzema uu markale soo gaadhay dhaawac la mid ah kii uu hadda uun ka soo laabtay. waqtigii nashada ayuu Zidane da’yarka Borja Mayoral ku soo badalay Benzema taas oo walwal dheeraad ah abuurtay.

Benzema ayaan qaybta danbe ciyaarta ku soo laaban waana xaalad kale oo sii kordhisay walwalka in Benzema uu muddo kale maqnaan karo laakiin Real Madrid ayaan wax war ah ka soo saarin in Benzema uu dhaawac cusubi soo gaadhay. Wararka ayaa sheegaya in kulankan ka hor uu Zidane waydiiyay xidiga ay ree France isku yihiin ee Benzema in uu kulankan ciyaari karo, wuxuuna Benzema ku adkaystay in uu ciyaari karo.

Sidan oo kale Zidane ayaa halis galiyay Marcelo kulankii Champions leaque-ga ee Roma taas oo keentay in xidiga ree Brazil uu markale dhaawac ku seegay kulankii Madrid Derby.Benzema ayaan qaybta hore wax saamayn ah ciyaarta ku lahayn wuxuuna ugu yaraan ahaa mid aan jidh ahaan taam buuxa ahayn.Wixii warar ah ee ka soo kordha xaalada Benzema wararka danbe ayaanu idiinku soo gudbin doonaa Insha Allah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here