Dadkii Ku Dhaawacmay Shilkii Baabuur Ee Ka Dhacay Kalabaydh Iyo Gabiley Dhexdeeda Ayaa La Keenay Cusbitaalka Wayn Ee Magaalada Hargeysa+Sawiro

0
642

Hargeysa(Halsan): -Dadkii maanta ku dhaawacmay shiilkii baabuur ee ka dhacay wadada wayn ee u dhaxaysa magaalooyinka Kalabaydh Iyo gabiley ayaa mar dhawayd la keenay cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa.

Dadkan dhaawac ah ee la keenay cusbitaaalka hargeysa ayay xaaladooda caafimaad qaarna ay liidataa qaar ay fududahay iyada oona xaladooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka.

Waxaana markii la keenay dhawaacasi  cusbitaalka booqasho ugu tagay dadkaasi taliyaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland gaashaanle sare cabdilaahi Fadal Iimaan iyo taaliyaha ciidanka amaanka wadooyinka waxaanay mid mid u dul istaageen dadkaasi dhaawacu soo gaadhay.

Cabdilaahi Fadal Iimaan taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland ayaa tacsi udiray eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo waliba umada reer Somaliland ee ay ka baxeen 14 kii ruux eek u naf waayay shilkaasi sidoo kalena alle uga baryay inuu alle caafimaad sareecana siiyo dadka iyagu ku dhaawacmay shilkaasi waxaana uu yidhi.

“Dadkii maanta ku dhintay shilkaasi waxaan ka tacsiyadaynayaa eheladoodii, qaraabaddoo iyo asxaabtii ay ka baxeen waxaana leeyahay Samir iyo imaan alle haynaga siiyo, inta dhaawac ahna waxaan leeyahay alla haw sahlo, waxa uu ahaa baryahaa intaynu joognay waxa uu ahaa shilkii ugu cuslaa ee ka dhaca Somaliland waana qadar alle, arinkaana waxaan u dirnay koox saraakiil sar sare ah oo soo baadha”sidaas ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal Imaan

Sidoo kalena taliyuhu isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray in ciidanka qaranku ay markaste heegan u yihiin naba galiyada dalka waxaana uu yidhi.

“Ciidanka qaranku waxa ay intaa heegan u yihiin shaqada iyo xoojinta nabadgaliyada waxii faahfaahin ah ee arinkaasi ku saabsana waxa idin siin doona afhayeenka ciidanka, allena waxay uga baryaynaa inuu u naxariisto marxuumintii shilkaasi ku dhintay”Sidaas ayuu hadalkisa kusoo koobay taliyaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Dhanka kalena taliyaha ciidaanka nabad sugida wadooyinka somaliland gaashaanle Faysal Waxa uu isna ka hadlay qaabka uu u dhacay shilkaasi isagoona geesta kale uga tacsiyadeeyey eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen marxuumiintaasi inuu alle Samir iyo imaan ka siiyo janatul fardawsana ka waraabiyo waxaana uu yidhi.

“inta u dhaxaysa magaalooyinka kalabaydh iyo gabiley waxa ka dhacay shil aad u naxdin badan waxaa ku dhintay 14 qof, laba baabuur oo Noho Iyo Langurusel ah ayay  ahaayeen, markii warkaasi nasoo gaadhay taliyaha ciidanka Somaliland waxa uu markiba halkaa u diray saraakiil sar sare iyo baadhayaal ayuu u diray si ay usoo baadhan kiiskaas dhacay walina way maqan yihiin oo goobtii uu shilku ka dhacay ayay ku maqan yihiin waana la baadhayaa waxii kasoo baxana dib Ayaan kasoo sheegaynaa, anaguna waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa intii ku dhimatay shilkaasi inta dhaawaca ahna waxaan leeyahay all caafimaad sareecana ha siiyo.

Gabagabadiina waxay labadan taliye ay fariin digniin ah oo adag u direen wadayaasha gadiidka iskaga kala gooshta gobolada dalka iyagona sidoo kalena sheegay inay awaamiir cusub kasoo saari doonaan wadayaasha gaadiidka.

Si kasteba ha ahaatee waxa cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa soo buux dhaafiyay dad iyagu soo eegeyey dadkan dhawacu kasoo gaadhay shilkii maanta dhacay  iyagoona dhanka kalena ay ciidanka nabadgaliyaduna ay xoojiyeen amniga cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa. Waxaana xusid mudan in dhakhaatiirta ka shaqaysa cusbitaalku ay ku hawlan yihiin u gar gaarida iyo dawaynta dadka ay dhawacu soo gaadheen.

2-3-740x316 6-2-740x316 7-2-740x356 5-3-740x317

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here