Wafti Ka Socota Dawlada Itoobiya Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa Iyo Ajandaha Uu Daaran Yahay Socdaalkoodu

0
644

Hargeysa(Halsan): -Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibadda Somaliland ayaa maanta kuso dhaweeyey magaalada hargeysa wafti balaadhan oo kasocota dawlada aynu jaarka nahay ee Dalka  Itoobiya isla markaana uu hogaaminayo ambassador salamon oo ah wakiilka saafarada itobiya u fadhiyda dalka somaliland.

Waxaana ajadaha socdaalka ay waftidani kusoo gaadheen magaalada hargeysa uu daraana sii ay waftiganu uga qayb galli lahaayeen shir sanadle ah oo ay wada yeeshaan dawlada Somaliland iyo itoobiya isla markaaana lagag hadlayo sidi loo xojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya labada dawladood.

Waxaana soo dhawayn kadib ugu horeynba ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibadda Somaliland isagoona sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshiyaha waftigan sidoo kalena ay kusoo dhawaynayaan magaalada hargeysa, sidoo kalena waxa uu agasimuhu ka hadlay ajandaha uu daaran yahay socdaalka waftigani ay ku yimaadeen magaalada hargeysa ee caasimada dalka Somaliland waxaana uu yidhi.

“waxaan maanta soo dhawaynaynaa wafti balaadhan oo ka socda dawlada aynu jaarka nahay ee Itoobiya, waftigan oo ujeedadoodu tahay ka qayb gallka shir kaste oo ay labada dawladood wada qaadan jireen oo sanadle ahaa kuna saabsanaa sdii ay iskaga kaashan lahaayeen labadan dawladood dhanka waxbarashada,caafimaadka, wadooyinka, ganacisiga, waxaana waftigan oo aad u baaladhan hogaaminaya ambassador Salamo aad iyo aad Ayaan usoo dhawaynaynaa waxaana kale oo waftigan la socda safiirkeena itoobiya u fadhiya somaliland ambassador Maxamuud, waxan kusoo dhawaynaynaa qalbi furan, daacadnimo, wada shaqayn waana dalka kaliya ee aynu sida xooga ah iskugu xidnanay soo dhawaada Ayaan leenahay wafitga”sidaas ayuu yidhi agaasimuhu.

Sidoo kalena agaasimuhu isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay wasarada ay ka kooban yihiin waftidan ka socota dawlada itobiya waxaana uu yidhi

“Shirkan sanad kaste waa dhacaa horena waa u dhaci jiray sanadkana wuu qabsoomayaa, waftidana waxay ka kooban tahay dhamaan wasaaradaha dawlada Itoobiya waxaan leenahay kusoo dhawada dalkiina isku mid ayaynu nahay waxyaalaha ugu way nee aynu kawada shaqaynaana waa dhanka amaanka

Dhanka kalena waxa isna halkaasi ka hadlay Ambassador Salamo oo ah wakiilka horkacayay waftigan soo gaadhay magaalada hargeysa waxaana uu isagoo ku hadlaya luuqada ingiliishta uu hadalkiisu u dhignaa sida tan.

“waanu ku faraxsanahay inaan soo gaadhno dalka Somaliland,waanan u mahadcelinaynaa dawlada Somaliland sida qiimaha leh ee ay nosoo dhawaysay, shirkan ayaa ka socon doona gudaha Somaliland laba casho, waxanan kawada hadli doonaa sidii ay labada dawladood iskaga kaashan lahaayeen dhanka siyaasadda, dhanka dhaqaalaha, horumarinka bulshada labada dal, amniga, waxanan rajaynaynaa in kulanka ay kasoo baxaan waxyaalo faa’ido leh, oo ay bulshada labada dawladoodna aad iskugu soo dhawaynaya”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Ambassasdor Salamon Oo u hadlay waftigan soo gaadhay magaalada hargeysa .

Si kasteba ha ahaatee maaha markii u horeysay ee dalka Somaliland ay soo gaadhaan wafti balaadhan oo ka socota dawladda itoobiya.

eth1 ethi and sland eth3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here