XUKUMADA SOMALILAND OO SHEEGTAY IN AY DHAWAAN SAMAYNAYSO KALA XADEYNTA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA, JAWAABNA KA BIXISAY LILANDDACAAYADO SOMALIYA AY KA FIDISO SOMALILAND

0
636

Hargeysa(Halsan):- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in cadawga Somaliland ay fidinayaan dacaayado been abuur ah kuwaasi oo doonaya in ay Somaliland sumcadeeda hoos u dhigaan.
Wasiirku waxa uu sheegay in Dawlada Somaliland ay ka digtoon tahay isla markana aanay Somaliland ahayn dal si dhib yar lagu dagi karo, Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay xaalada Gobolka Buhoodle oo uu sheegay in imika degan tahay.
Wasiir Warancade waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in Xukumada Somaliland gaar ahaan wasaarada arrimaha guduhu wado in ay kala xadeyso Gobolada iyo Degmooyinka.
Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay hor tagay gudida joogtada ee Golaha guurtida waxanu yidhi. ”Arrintii ka dhacday Xeebta Hargeysa ama Gobolka Awdal iyo Berbera waxay ku timid iyada oo muddo dhawr iyo labbatan sanno ah aanu jirin Nidaamka kala xadeynta gobolada iyo Degmooyinka, waxanu ku tallo jirnaa in aanu si dhakhso ah u sameyno nidaamka kala xadeynta Deegaanada oo noqon doona mid sharci ah iyaduna hawshaasi si dhakhso ah ayey nooga dhamaystirmaysaa hadii Illahay yidhaahdo, marka shacabka Somaliland waxaan ka codsanaynaa in ay wasaarada arrimaha gudaha ku taageeraan arrinkaasi, si cadaalad ah ayaanay u dhacaysaa cid wax loo kordhinayo ama laga jarayo ma jirto”
Wasiirku waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Dawlada Somaliland la socoto Dacaayadaha kala duwan ee Soamliya ka fidiso Somaliland oo ay ka mid tahay in ay yidhahaadan Somaliland waxay ka qayb galaysaa Doorashada 2016-ka ee ka qabsoomaysa Somaliya, warkaasi waa Riyo ay madaxda Somaliya ku riyoodan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here