MADAXWEYNE OBAMA AYAA KA CODSADAY DHIGGIISA RUUSHKA, VLADIMIR PUTIN, INUU XUSHMEEYO HESHIISKII NABADDA

0
760

Madaxweyne Obama ayaa ka codsaday dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, inuu xushmeeyo heshiiskii nabadda ee Minsk ee bariga Ukraine.
Aqalka cad ayaa sheegay in intii ay telefoonka ku wada hadlayeen uu Mr Obama hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in Ruushka iyo xoogagga gooni u goosadka ah ay xurmeeyaan xabbad joojinta.

Obama ayaa Putin ugu baaqay inuu ogolaado guddiga gaarka ah ee dusha ka eegaya heshiiskaasi si ay xorriyad buuxda ugu helaan aagga dagaalka, oo ay ku jirto xudduudda Ruushka.
Mr Obama wuxuu kaloo iftiimiyey muhiimadda ay leedahay in si dhakhsiyo leh heshiis looga gaaro qorshe doorasho xor ah looga qabanayo bariga Ukraine.
Source BBC
Isha ku hay Baligubadlemedia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here