Boqol Gaadhi Oo Caws Ah Oo Maamulka Gobolka Togdheer Ugu Deeqeen Gobolada Galbeedka Somaliland Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa+Sawiro

0
638

Hargeysa(Halsan): -Maamulka gobolka togdheer, ganacsatada,culimada iyo shacabka gobolka togdheer ayaa boqol gaadhi oo caws ah ugu deeqay gobolada galbeedka somaliland ee ay abaaraha ba’ani  ka jiraan.

Waxaana gawaadhidan oo ahaa nooca loo yaqaano(Waaradada) isla markaana siday caws loogu gurmanayo xoolaha abaaruhu laayeen,waxay shalay kasoo amba baxeen gobolka togdheer kuwaasi oo xalay soo gaadhey magaalada hargeysa.

gawaadhidani ayaa  saaka u amba baxeen dhankaa iyo gobolada galbeedka Somaliland kaas oo lagu wareejiyay maamulka iyo hagida gawaadhidanba gudoomiyaha cusub ee dhawaan madaxwayne siilaanyo usoo magacaabay gobolka gabiley.

Waxaana la filayaa inay saacadaha soo socda ay gaadhaan gawaadhidani gobolka gabiley.

Dhanka kalena shacabka, ganacsatada, culimada iyo waliba maamulka gobolka togdheer ayaa iyagu balan qaaday inay ka qayb qaadan doonaan taakulaynta dadka ay abaaraha ba’ani saameeyeen ee kaliftay inay reero badani u caydhoobaan.

1-10-740x377 2-1-740x381

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here