Shirkadaha Macaasha Doonka ah Ee la Wareegay Hamaha Shidaalka Berbera oo Eryay Laba Shaqaalaha oo Mid Kood Cadaalada Darada Ku dhacday Awgeed uu Koomo ku Jiro ilaa Hada

0
673

BerBera(Halsan): – Shirkadaha Macaasha Doonka ah ee ku Bahoobay Hamaha Shidaalka Berbera ayaa Maanta Shaqadii ka joojiyaya Laba ka mid ah shaqaalihii Mudada dheere ka hawlgalayaya Hamaha Shidaalka Berbera.
arinta ayaa ka Danbaysa Markii Shirkadaha Macaasha Doonka ah ay soo sareen Xeer Lagu Cunqabtaynaayo Shaqaalaha Hamaha ayaa ay ka biyo Diidan Shaqaalaha ka hawlgal Hamaha ayaa Waxaa arinta soo dhexgalaya Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warshadaha Cali Dhagoole oo ah Wasiir ka soo Jeeda Gobolka uu iyo Gudomiyaha Gobolka Saaxil Jamaac Yusuf Axmed ay shaqaaluhu ku wargaliyay in ay iska soo saran shan Qof oo Gudida ah oo Cabashadooda ka hadla
Gudida Dawalada Gudomiye Looga Dhiga Gudomiyaha Gobolka Saaxil Jamaac Yusuf Axmed
Waxaanu sheegay Wasiir kuxigeenku in aan la eryi Karin Qof ka mid ah shaqaalaha waxaan ay arintaas keentay in uu Muran DhexMaro Wasiirkuxigeenka Warshadaha Cali Dhagoole iyo mid ka mid ah shakhsiyadka u soo Tafxaytay Dulmiga Shaqaalaha oo la yidhaahda Cali Yasiin Kooshin oo ka mid ah Sheerlayda Shirkadda Redsea oo ah shakhsi ka ardan Cilmiga mid Diineed iyo Kan maadiga ah waan shakhsi Caan ku ah Duudsiga Xuquuqda Shaqaalaha
Hadaba Waxaa saaka shaqadii laga joojiya Gudomiyaha Gudida shaqaalaha HamahaShidaalka Berbera
1-Sacda Maxamed Ducaale Gudomiyaha Shaqaalaha Hamaha Berbera
2-Maxamed Nuux Ceelaabe waa Sarkaal ka mid Securityga Hamaha Shidaalka Berbera
Hadaba Maxamed Nuux Ceelaaba ayaa isagu Fasax ku Maqnaa Muddo Hal Cisho ah Waxaanu Tagay Geeri ku Timi inan ay Dhashay Walaashii oo ku Geeriyootay Magaalada Gabiley Markii Saaka soo Shaqo Tagay Shaqadii ayaa laga joojiya Waan Sharci Daro Cadaaladarada ku dhacda ninkaas lagu Magacaabo Ceelaba oo koomo galay dhiigna ka socda sanka iyo dhagaha waxaana lagu dabiibayaa Hostitalka Magaalada Berbera oo aanu ku Bookhan ninkaas oo aad u cuslaa
Halka Gudomiyaha Gudida Shaqaalaha Hamaha Sacda Maxamed Ducaale lagaga joojiya Shaqada Maxaad Gudida Gudomiye uga noqotay Shaqaalaha arintaas Gudida ayaa Waxaa Balqaaday in aan la eryi Karin qof shaqaalaha iyo Qofka ka mid Noqday Gudida lana Bartilmaamsan Karin
Hadaba nimanka Macaasha Doonka ayaa Bartilmaamsan shaqaalaha ay sheeg in ay eryi doon shaqaalaha qofkii Xaqiisa ka hadlaya
Maamulka Gobolka Saaxil iyo Wasiirada Gobolkan ka soo jeeda oo ugu horeeyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warshadaha Cali Dhagoole in ay Wax ka Qabtan arinta Cadaalada Darada ah oo u eeg tii laga Talaabay ee la noqoday Snm in Dadkan aan lagu khasbin Waxaanay Gayin
Hadaba arinta Muranka shaqaalaha ayaa keeni karta Amaan Daro Madaama shaqaalaha Xaqooda la duudsiyaaya ay ka shaqeey Hamaha Berbera Dhexdooda Waan Meel Xasaasiga ah.

Source: Qarannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here