Shalay,maanta,berito iyo sahandambe dalka somaliland.By maxamed jeex

0
687

Shalay markii ay joogeen dawladii udub wax ay qabteen oo maanta lagu sheegi karaa majiro ama lagu xasuusankaro lama hayo waxaan ka ahayn dhibaato iyo kala qoqob ay ku sameeyeen umada reer somaliland waxaa intaa ka siidaran waxay cunaayeen xoolihii umada reer somaliland.

Maanta oo ay talada dalka somaliland ay joogaan xisbiga kulmiye waxay durba qabteen wax la taaban karo oo sida cadceeda ka cad waxaad ku arkaysaa meel kastaba dhulka somaliland horumar balaadhan oo ka socda magaalooyinka waaweyn ee reer somaliland sida magaalad borama,hargaysa,berbera,burco,laas caanood,ceerigaabo.

Berito wixii la qabanlahaana waxaa soo sameeyay xisbiga kulmiye oo durbaba wey ka muuqataa in wax qabadkii berito lawado oo umada reer somaliland lagu hago dariiqa horumarka wanaagsan.

Sahandambe qorshaha soo socda ee musdaqbalka waxaa sii samaynaaya haddii alle idmo waa xisbiga kulmiye oo umadiisa la jecel horumar iyo barwaaqo inay ku noolaadaan waana hadafka wanaagsan ee kulmiye ku wado dalkiisa,dadkiisa,umadiisa.

Shacabka reer somaliland waxaan ku leeyahay maah maah somaliyeedbaa tiraahda nimaan kuu furayn ayaanu kuu rarin markaa waxaa kula talinlahaa shacabka niman aanan waxba inii qabanayn haku aaminina dalkiina ,dadkiina ,lafahiina.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here