Xisbiga UCID Oo Rajo-xumo Ka Muujiyay Iclaaminta Komishanka Ee Bilaabidda Diwaan-galinta Codbixiyayaasha,Kana Digay Inay Talaabadaasi Abuurto Fad-qalalo Siyaasaddeed Oo Hor Leh

0
799

Hargaysa:(Halsan)- Gudoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Cali Yuusuf ‘Cali-guray’ ayaa ka hadlay bilaabidda Diwaan-galinta Cod-bixiyayaasha ee ay Maalintii shalay ku dhawaaqeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Waxa uu sheegay Cali-guray in aan wali Xiisadda Siyaasaddeed ee Dalka ka aloosani aanu wali-sal-dhigin,isla markaana uu uga cabsi qabo inay Xiisadd Siyaasadeed oo hor leh ay lugaha la sii galaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland,maadama Cayimiddii Xiliga Doorashaddu ay Dalka ka qabsoomayso ee ay hore u shaaciyeenba uu ka dhashay Muranka Siyaasaddeed ee ilaa maanta Dalka ka taagani’e.

Qoraal kooban uu u ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee Faceboog-ga ayaa waxay u dhignayd sida tan: “Weger diiwaangelin toodana mooyee nimankii Komishanka Doorashooyinku armay bad galaan aanay ka dabaalan karin. Yaa u sheega in aan wacyi gelintu faq hoose iyo dhux dhux ahayn” ayuu yidhi Cali-guray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here