Suldaan Xiiray Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Mawqifkiisa Wada Hadalka Somaliland iyo Somalia+ Kulan Dood iyo Kaftan Xambaarsan Oo Shacabka Dhexmaray

0
607

Hargeysa(Halsan):-Suldaan Yuusuf Xiiray, ayaa sharaxaad ka bixiyay mawqifkiisa wada hadalka Somaliland iyo Somalia kadib markii buuq ka dhashay hadallo uu hore u yidhi oo ku saabsan inuu soo dhawaynayo qorshe la sheegay in Turkigu wada hadalkii Somaliland iyo Somalia ugu bedelay madaxdhaqameedka Somalia iyo Somaliland inay ka wada hadlaan arrimaha labada dhinac.

 

Suldaan Xiiray ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo fadhiistay Meherad ku taala Khayriyada Hargeysa ama Diyaaradda hoosteeda, halkaasi oo ah madal dadku iskugu yimaadaan kuna falanqeeyaan mawduucyada siyaasiga ah iyo waliba qodobada Jaraa’idka ugu doorka roon, waxaana markuu yimid goobta lagu falanqaynayay war ku qornaa mid ka mid ah Joornaalada oo sheegaya in Suldaan Xiiray la xidhay, sidoo kalena waxaa goobta lagu lafo gurayay aragtiyaha dadku ka qabaan sida Suldaanku u soo dhaweeyay  Wada hadal madaxdhaqameedku hogaamiyo oo Somalia lala galo.

 

Bulshadii goobta ku sugnayd iyo Suldaan Xiiray oo wada shaaheeyay ayaa doodo is waydaarsaday, iyadoo uu ka jawaabay su’aalo dadku ka qabeen wada hadalka Somalia, iyagoo dadka qaar ku doodeen in Xukumadda loo igmaday wada hadalka, qaarna kaba soo horjeedeen wada hadalka, balse halkaasi kaftan iyo dood dhinaca Suldaan Xiiray iyo bulshadaba ka socota lagu yeeshay.

 

Suldaanka ayaa intaasi kadib saxaafadda la hadlay wuxuuna sharaxay ujeedka hadalkiisa hore “Waxaan doonayaa inaan laba kalmadood ka idhaa si khaldan oo loo turjumay hadal aan idhi; anigu waxaan idiin caddaynayaa qarankan iyo dalkan Somaliland waa loo soo dhintay, waa loo soo dhaawacmay, 24 sannadood baynu jirnay. Horta qarankeenna iyo umadnimadeenu waa lama taabtaan. Calankeenna kalimatul tawxiid baa ku taala calan kalena hoos tagi maayo,” ayuu yidhi Suldaan Xiiray.

 

Suldaanka oo arrintan ka sii hadlaya ayaa yidhi “ Waxaan doonayaa inaan hadalkayga u waadixiyo in si khaldan hadalkayga loo dhigay oo loo bedelay. Anigu waxaan ka hadlayaa oo si cad imikana uga hadlayaa, anagu haddaanu madax dhaqameedka qarankan nahay waxaanu leenahay doorkayaga waa inaanu ka qaadanno wada hadalka. Anigu intaan idhi ee la bedelay  waa intaas uun. Qarannimo ayuu ka hor yimid iyo dal buu ka hor yimid midna waxba kama jiraan.”

 

Waxa kale oo uu sheegay inaanu ahayn Salaadiin looga bartay inay Xamar tagaan “Anigu Salaadiintii Xamar tagi jirtayna ma ihi, raggii Xamar tagi jirayna waa la yaqaanaa. Waxan suuqa la galiyay ee ah cid baa la hadashayna raggii Xamar tagi jiray ma nihin baan kaga baxayaa, naloola tuhmi maayo.  umaddan iyo qarankan aanu taariikhdaana u soo maray dib baanu uga sheekayn doonaa aniga iyo degaanka aan ka soo jeedaa waxay qaranka u soo qabteen,” ayuu yidhi Suldaan Xiiray.

 

Aragtida Suldaan Xiiray ee Wada hadalka Somaliland iyo Somalia:

Suldaanku wuxuu sheegay in markii horeba uu taageersanaa in la joojiyo wada hadalka Somaliland iyo Somalia “Anagu markayaga horeba waxaanu raali ka ahayn in la xidho wada hadalada gabigoodaba, haddase waxan soo af-gu’i waayay inaanu soo af goyno ayaanu doonaynay.”xiii xiiiok xiiiii xiiiiOKOK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here