Haddii Hamigiinu ahaa Himilada Qaranka Hawraarsan!

0
669

Marka hore waxaan hambalyo u dirayaa Shirka Golaha dhexe  Kulmiye ee 5aad oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 10 November 2015 ku qabsoomay Hotelka Casriga ah ee Maansoor iyo Ergooyinkii kasoo qayb galay. Waxaa kale oo aan hambalyo taa lamid ah u dirayaa Musharaxa Madaxweyna Mudane Muse Biixi Cabdi iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdiraxman Ismaciil Saylici ee shirkaa loogu doortay Musharaxnimada  doorashada March 2017 dalka ka dhici doonta INSHA ALLAAH. Waxaan sidoo kale oo aan amaanayaa Shirgudoonkii Shirka daadihinaayey ee uu ugu horeeyo Mudane Jaamac Shabeel iyo garabyadiisii dhinacyada ka taagnaa ee ka caawinaayey habsami u socodka shirkaa guulaystay.waxaa iyana xusid mudan Go’aanka  uu qaatay Hogaamiyaha hadda ee qaranka Axmed siilaanyo ee ah inuu baneeyo kursiga ugu sareeya qaranka ee Musharax madaxweynenimo doorashada kaabiga inagu soo haysa.

Bari baa waxa layidhi JIRIQAA ayaa gaajooday inta uu jiilaal soo galay , Jilaalkana sida dhacda badanaa hawlihiisa ayaa farabadan .Sidaynu ognahay Jiriqaagu inta gu’ga lagu jiro lagama seexdo dhii-dhiidiisa , markii uu jilaalku soo galay ayuu gaajooday markaa suu is yidhi tolow ayaad martidaa , dabadeed waxa uu isku qanciyey inuu Qudhaanjo martiyo ,  qudhaanjadii ayuu u tagay oo uu wax waydiistay,( illeen iyadu kayd ayay meel dhigatee) qudhaanjadii waxay ku tidhi bal cabaar naga war sug Madaxdayadii ayaanu wargalin doonaaye , madaxdii way tashadeen waxayna go’aamiyeen in su’aal la weydiiyo qudhaanjada dabadeed jawaabteeda ayaynu  ka duuli in la marti galiyo iyo in la cesho (loo diido)

Kadib,waxay Madaxdii qudhaanjadu waydiisay jiriqaagii Maxaad meel dhigatay ee aad kaydsatay wakhtigii Gu’ga  lagu jiray si aad ugaga sii diyaar garowdo Jiilaallka soo socda ? waxa uu jiriqaagii ku jawaabay “ waan heesaayey uun ee meel waxba madhigan! Dabadeed , Madaxdii qudhaanjadu waxay ku yidhaahdeen “ haddii aad heesasay Imikana JAAS.

Fasilaada idinka ( akhristayaasha ) ayaan idiin dhaafi , hogaamiyaha Xisbiga ahna Musharaxa  Madaxweyne ee doorashooyinka inagu soo fool leh waxa uu idin leeyahay waan idinka marti galin doonaa Dawladayda Doorashada kadib waxaana idiin diyaar ah sedexda wasaaradood ee  kala ah DIINTA IYO AWQAAFTA OO sheikh Samaale ah , Caafimaadka oo Dr Kijaandhe ah iyo Dib-u dajinta oo ninka qaxootiyada kasoo shaqayn jiray ee Biixi Yoonis ah.

Gabagabadii; haddii aad u urdayseen hogaaminta qaranka Hawraarsan hawlo badan oo kale way jiraan, haddi kale nin walowba hawlahaagii hore ee idin gaarka ahaan  ha hilmaamin.

Wabillahi tawfiiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa ,Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here