Musharax Madaxweyne ku xigeenka Oo loo doortay Saylici + Tirada Codad ka u kaga Guuleystay Xaglo toosiye.

0
597

Hargeysa(Halsan):-Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa Musharax Madaxweyne ku xigeen loogu Doortay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic.

Md. Saylici oo ay Tar tamayeen Saleebaan Ciise Axmed XAGLO-TOOSIYE ayaa ka guulaystay ka dib markii uu helay Tirada ugu badan ee aqlabiyada Golaha Dhexe oo dhamayd 230 Cod. Halka uu Xaglo-Toosiye Helay 114 Cod sidaasina uu ku guul daraystay.

isku soo wada duuboo Waxaa shirkii Maanta ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE lagu doortay Musharax Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Musharax Madaxweyne Ku xigeen Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, labadan musharax ayaa Xisbiga Kulmiye uga qayb gali doona Doorashada 2017-ka ee Madaxtooyada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here