DAAWO: DADWEYNE MUDAHARAAD KA DHIGAY DULEEDKA HARGEYSA IYO WAXYAABAHA AY KA CABANAYEEN

0
616

Hargeysa(Halsan):-Dhaliillo ku saabsan musuqmaasuq waxbarasho ayuu wajahayaa dugsiga aggoomaha ee dawladda Kuwait ka hirgalisay duleedka bari ee Hargeysa. Madaxweyne Siilaanyo ayaa laba goor oo kala dambeeyay xadhiga ka jaray qaybta hablaha iyo qaybta wiilasha ee xarunta waxbarasho ee aggoomaha ee bariga Hargeysa.

Dadweyne tiro badan ayaa mudaharaad ay ku qabteen duleedka xaruntaasi waxbarasho waxay ku sheegeen in dugsigaasi yahay mid si gaar ah lacag looga qaado dadka dhiganaya, islamarkaana aanu waafaqsanayn ujeedka loo aasaasay ee ah taakulaynta agoomaha.

Dadweynaha ayaa sheegaya in ilmaha yar ee dugsigaasi dhiganaya laga qaado konton dollar, islamarkaana aanay suuro gal ahayn dadka danyarta ahi halkaasi wax ka bartaan. Waxay ku doodeen inay tahay xarun ay dadka lacagta lihi wax ku baran karaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here