Xubnihii ku Wacad-furay Isbaahaysiga Iyo Tiirar Cusub Oo Ka Baxay.

0
681

Wacad-furkii Reygal + Walaacii Cukuse + Weecashada Abiib + Bay-baydhka Ballaaki Iyo

Hargeysa(Halsan): – Tan iyo intii uu socday muraanka sharci iyo mulaaqa KULMIYE, waxa marba marka ka danbeysa soo ifbaxaayey tuhuuno iyo darreeno ifaafaalahoodu yahay dhaqdhaqaaqyo iskugu jira, weerar iyo weerar celis, kuwaasoo ahaa qaar uu dhexeeya Qasriga Madaxtooyadda iyo Xulufadiisa, iyo sidoo kale, xubnaha xilalka iska casilay iyo Bahaysigooda oo dhan ah.

Dareenada hadda jira, iyo ifafalayaashasi daaha ka rogeen waxa kamid ah, sida xogo Wargeysaka Yool helay lagu sheegay in Madaxtooyaddu dhabaarka taabatay, xubno markii hore la safnaa garabka Isbahaysiga Musharaaxiinta, kuwaasoo oo sida iluhuu tibaaxeen qaarkood la qabtay markii xubnaha qaar ku dhawaaqeen is-casilaada, halka qaar kale-na lasoo jilaabey qaraaxa khilaafka KULMIYE kaddib.

Meteelan, sida xogaha lagu sheegay xunbaha asxaabtooda ku wacad-furay waxa kamid ah, Wasiirka Wasaarada War-faafinta Cabdilahi Maxamed Daahir Cukuse, iyo wasiirka Dibu-dejinta Cali Siciid Reygal, xubnahan ayaa sida Wararka lagu xusay, waxa ay safka hore kaga jireen, dagaalka ka midho dhalinta himiladooda. Tusaale ahaan Cali Siciid Raygal, ka hor intii Madaxweyne Siilaanyo dalka kusoo laaban, waxa uu kamid ahaa xubnaha sida fiinta uga qayliyey ku dhawaaqiida qabashada shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE. Sidoo kale-na waxa uu ka mid ahaa xubnihii loo diiday Huteelka Maansoor, hase-yeeshee markii danbe Xaflada ku qabsaday Huteelka Guuleed, Waxana wararka qaarkood tibaaxen, in Md. Raygal uu ka mid ahaa xubno wasiiro ah oo wacadku galay inay iska-casilaan xilalka hadii Madaxweynaha iyo Marwadiisu ku adkeystaan garabsiinta Gudoomiye Muuse Bixi.

Haddaba, sida xoguhuu tibaaxeen, Wasiir Cali Siciid Raygal waxa uu bedelay Mawqifkiisi, kaddib markii ay waajibaadkoodii guteen xubnihii uu xulufada la ahaa, waxana sida lagu xusey Wararka amuurtan la xidhiidha is-bedelka mawqifkiisa ku fasireen inuu yahay mid ka dhashay balan-qaadyo iskugu jira xilka uu hayo iyo kan gudoonka Xisbiga KULMIYE ee mustaqbalka, oo sida la sheegay loo balaan qaaday in la siin doono Beesha Muuse Abokor ee uu kasoo jeedo.

Waxa kaloo, Wararku intaa ku dareen, in Wasiirka warfaafinta Md. Cukuse geestiisa isna uu ku wacad-furay Saaxibadii, markii ay xilalka iska casileen, iyadoo sida xoguhuu tibaaxeen uu markii hore kamid ahaa xubno soo jeediyey inay xilalka iska casilaan 26-kii Bishii hore, waqtigaasoo ahaa markii duufaanada is-casilaadu Madaxtooyadda ku dhufteen, hase-ahaatee xoguhuu ma xusin sababta ku keliftay inuu ku wacad-furo Jaalayaashiisi.

Geesta kale, Wararka isla amuurtan la xidhiidha waxa qaarkood tibaaxeen shaqsiyaadka is-bedbedalay ina aanay intaa ku e’keyn, balse waxa xoggahan lagu sheegay in xubno cusub hadda kasoo laabteen go’aankii markii hore ay ku taageeran isbahaysiga Musharaaxiinta, waxana xubnaha ilaa iyo hadda la magac-dhabay ka mid ah, Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timo Cad) iyo Xildhibaan Cabdilahi Black oo labaduba hore ula safnaayeen Musharraax Samaale, iyo sidoo kale, agaasimaha Koomishaanka la dagalaanka  Hiv-ga Cabdikariim Xinif, oo isna markii hore la socday isbahaysiga, fagaarayaal badana si adag uga hadlay.Wararka laguma sheegin sababta saddexdan Xubnood uga go’oosteen asxaabtii marka hore ay la safnaayeen.

Khilaafka Kulmiye ee hadda iyo ka hor intuba, waxa uu ahaa mid la kowsaday guushii Xisbiga ee hanaashada hoggaanka tallada dalka, hase-yeeshee mar xaalada maanta iyo xilliyadaa hore ay ku kala gedisnaayeen Xukuumada oo waqtigeedu cusbaa, iyo sidoo kale, Xisbiga KULMIYE oo waayihiisu badnaa, taasina waxa ay sababtay inay dusha isku sitaan kooxo kala af kaar ah iyo shaqsiyaad damac leh oo Nin-na qof kale aanu waxba u ogoleyn.

Hase-ahaatee, kolba mid wax sabaalo lagu wado, sidii la filaayey Dayaxa iyo Cadceedu waxa ay kala baydheen, hadda markii mudadii Xukuumaddii dhamaatay, isla markana muddo kordhin la gudo galay, taasi waxa ay sabaabtay in Madaxtooyaddu u nuglaato dakhaarada iyo duqadaha Mucaaradka, sida awgeedna waxa ay la noqotay inuu soo af go’o muraanka iyo khilaafka awoodeed ee ka dhex aloosan Masuuliyiinka ka tirsan Xukuumadda iyo hoggaanka Xisbiga, hase-ahaatee sida hadda muuqata waxa ay u eg-tahay in Madaxtooyaddu door-mooday inay garabka saarto Muuse Bixii, inkastoo uu khilaaf ka jiro asbaabaha Madaxtooyaddu ku dooratay Gudoomiye Muuse Bixii, sidoo kale-na kaga maarantay garaabkii shanta sanno Madaxweynaha lasoo daadaheynayey Xukuumadda.

 

Source : Yool

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here