Guddidii Dhex-dhexaadinta Khilaafka Xisbiga KULMIYE Oo Xalay Madaxweyne SIILAANYO War-bixin U Gudbiyay

0
546

Hargaysa(Halsan):-Gudidii dhex-dhexaadin khilaafka Xisbiga KULMIYE,ayaa la sheegayaa inay xalay war-bixin buuxda siiyeen Madaxdweyne Siilaanyo.
Guddida tallo-bixinta Khilaafka KULMIYE,ayaa la sheegayaa inay Xalay Qasrigga Madaxtooyadda ay kulan kula qaateen Madaxweynaha iyo Xubno ka tirsan Gollahiis Wasiiradda oo ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyadda,Maxamuud Xaashi Cabdi.
Wararka laga helayo Kulankaas ,ayaa sheegaya inay guddidu Madaxweynaha u gudbiyeen War-bixin nuxurkeeddu yahay in hawsha diowaan-galinta iyo bixinta kaadhka Xubin-nimadda Gollaha dhexe ay u socoto si daah-furnaan ah oo hufan.
Waxa la filayaa inay arrintani sii murgiso Muranka ka dhex-aloosan Xisbiga KULMIYE oo maalinta Salaasadda ah ee Todobaadkan u ballansan inuu qabsoomo Shir-weynaha Gollaha dhexe ee oo lagu soo dooran Doono Musharaxa Madaxweyne Iyo Ku-xigeen ee Xisbiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here